30.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

DHAGEYSO: Xaallka xildhibaanada BF oo uu mooshinka meel xun gaarsiiyey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho(Caasimada Online) – Iyadoo ay muuqato in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya  la kala safteen madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha is khilaafsan  ayaa xildhibaan C/fataax Nuur Mataan oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka wuxuu weeraray xildhibaanada la safan madaxweynaha Soomaaliya.

Xildhibaan C/fataax ayaa sheegay ineysan jirin cid mooshin ka keeni karta ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya, isagoo weerar afka ah ku qaaday xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee la safan madaxweynaha.

Xildhibaanka ayaa sheegay in kulamo gaar gaar ah ay la qaateen gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayna kala hadleen in mooshinka laga gudbiyay ra’iisul wasaaraha uusan ka imaanin xildhibaanada baarlamaanka oo idil, sida uu hadalka u dhigay.

“waxaan leeyahay xildhibaanada saaxiibadey mooshinkaasi aad ka keenteen ra’iisul wasaaraha ma ahan mooshin sax ah, ee baarlamaanka yaan lala imaanin”ayuu yiri xildhibaan C/fataax Nuur.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News