27.3 C
Mogadishu
Sunday, June 8, 2025

5 qodob oo laga soo saaray kulan kale oo dhex maray Xasan, C/Weli & James

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xasan Sheikh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda C/wali Sheikh Axmed ayaa waxa ay goor dhow Kulamo gooni gooni la qaateen Wafuud uu kamid ahaa Danjiraha Mareykanka u jooga Somalia

Kulanka oo ahaa mid socday inkabadan Seddex saac ayaa waxa uu ku qabsoomay Villa Somalia , kaasi oo Ujeedkiisa lagu sheegay xalinta Khilaafaadka ka dhexeeya Xassan iyo C/weli.

Xog aan ka helnay Kulanka ayaa sheegeysa in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha lagala hadlay sidii loo xalin lahaa Khaliifka ka dhexeeya islamrkaan loo taabaqaadi lahaa howlaha horyaala Xukuumada Somalia.

Mr James P. McAnulty oo ah Danjiraha Dowlada Mareykanka ugu magacaaban Somalia ayaa waxa uu Labada Mas’uul ka codsaday inay ka gudbaan Khilaafka islamarkaana Caalamka usoo bandhigaan rajooyin muujinaaya xal ka gaarida Khilaafka waxaana arrintaasi la sheegayaa inay soo dhaweeyen Xassan iyo C/weli inkastoo la tilmaamay inay dalbadeen in qodobada Khilaafka la xaliyo.

James P. McAnulty ayaa waxa uu sidoo kale, labada mas’uul u ballan qaaday inay xalinayaan wax waliba oo ay kala tabanayaan balse meesha laga saaro Khilaafka iminka gaaray heer caalami.

Dhanka kale, wararka ayaa intaa ku daraya in Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya James P. McAnulty uu Labada Mas’uul kula Dardaarmay in ay ka shaqeeyaan sidii Somalia ay mar Labaad ay Cagaheeda iskugu Taagi laheyd.

Kulanka ayaa waxa uu barbar socdaa kulan habeenimadii xalay dhacay, waxa uuna noqonayaa mid lagu dhameystiraayay waxyaabaha qabyada u ahaa.

AQRISO QODOBADA LEYSLA MEELDHIGAY

1- In Caalamka loo muujiyo Rajooyin muujinaaya in xal hordhac ah laga gaaray Khilaafka.

2- Inaan la adeegsan Mooshino sababi kara in Somalia ay dib ugu laabato KMG oo wax waliba lagu dhameeyo xal raadin.

3- In howlaha Xukuumada Miiska u saaran la taabagaliyo lana xoojiyo wada shaqeynta.

4- In wada-hadalo khaas ah ay wadaqaatan Labada Mas’uul si ay isku fahmaan

5- In natiijooyinka ka soo baxa kulanka khaaska ah ee Xasan iyo C/weli loo soo bandhigo wufuuda kulanka qeybta ka ah ka hor inta aan la shaacin.

Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa Xiligaan waxaa ku Holan dhameyntiisa Beesha Caalamka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News