28 C
Mogadishu
Monday, June 9, 2025

Xog: Khilaafka Xasan iyo Cabdi Weli oo howlihi ka socday lix xafiis oo DFS ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Inkastoo Khilaafka Labada Mas’uul u dhexeeya uu yahay mid soo shaac baaxay bishii October 25-dii, kadib, markii uu Ra’isul-wasaaruhu Isku-shaandheyn kooban ku sameeyey Golihiisa Wasiiradda ayaa waxaa haddana la dareemi karaa inuu Khilaafkooda ahaa mid muddo hore aloosnaa, balse ay Labada Hoggaamiye sababo siyaasadeed u hagoogi jireen.

Khilaafka oo iminka gaaray heer Caalami ayaa waxaa muuqaneysa in laga dhexlay Howlgab ku dhacay Dhowr Xafiis oo iyagu ku xeen-daaban Arrimaha Khilaafka kuwaasi oo xiligaani hakat galay Howlihii looga fududeyn jiray Bulshada Soomaaliyeed.

Haddaba daraaseyn maalmo qaatay kadib waxan Ogaanay in Khilaafka Madaxweyne Xassan iyo Ra’isulwasaare C/weli uu noqday mid Albaabada u laaba 6-Lix Xafiis kuwaasi oo saameyn Siyaasadeed ku yeeshay Xifaaltanka Xassan iyo C/weli waxaana kamid ah:-

1- Xafiiska Madaxweyne Xassan Sheekh.
2- Xafiiska R/W C/weli Sheekh.
3- Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari oo u xirmay ku mashquulida iyo dhex dhexaadinta Xasan iyo C/weli.
4- Xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda oo noqday mid aan kusoo dhicin warqadihii ka imaan jiray Beesha Caalamka Khilaafka jiro awgiis.
5- Xafiiska Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Dastuurka oo howlihii shaqo ka istaagay kadib markii Wasiirada la kala wareejiyay, islamarkaana ay shaqaaluhu noqdeen kuwa ku jahwareersan habsami u socodka shaqada.

6- Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo saameeyay Khilaafka kadib markii Gudoomiyaha laga xanibay Lacagihii uu ka qaadan jiray Bankiga iyo tan Gobolka, taasi oo sabab u noqotay muran u dhexeeya Xassan iyo C/weli kuna saabsan dhaqaalaha ku baxa Gobolka iyo Hormar la’aanta.

Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiyaha Barlamaanka Federalka iyo Ku-xigeenadiisa oo dadaal iyo is-xilqaan dheeraad ah ugu jira xalka Khilaafkaasi, ayaa waxaa dadaalkooda ku durdurinayo Mudanayaasha qeybta ka noqday Khilaafka, kuwaasi oo had iyo jeer qabanayaan Kulamo u muuqda Bandhig Siyaasadeed iyo Awood-muujin waxaana suuragal ah haddii uu sii socdo Khilaafka ay dhici doonto in gabi ahaan ay xirmaan Xafiisyada DF Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News