Muqdisho (Caasimada Online) – Dareeno kala duwan ayaa laga bixinayaa Kulankii Xildhibaanadda ee ay dhawaan ka yeelan lahaayeen Mooshinka la xiriira Kalsooni kala noqoshadda Xukuumadda, kaasi oo ugu dambayntii ku dhamaaday buuq iyo fowdo lagu carqaladeeyey Kulankaasi.
Xeeldheerayaasha ku takhasuay Sharciga ayaa su’aal ka keenay inuu jiro Xiriir u dhexeeya qaar ka mid ah Xildhibaanadda diidan Mooshinka kalsooni kala noqoshadda Xukuumadda ra’iisul wasaare C/Weli Sheekh iyo Wakiilka Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Kay oo isagu horey uga digay Barlamaanka Federalka inaan Mooshinkaasi loo adeegsanin in codadka la iibsado.
War-saxaafadeedkii uu Nicholas Kay soo saaray ayaa waxa uu si gaar ah u isticmaalay tuduc xasaasiyad lahaa, isla markaana meel-ku-dhac ku ah Sharafta Xildhibaanadda Barlamaanka federalka Somalia.
Ergayga waxa uu qoraalkiisa ku xusay Erayga Cod ku bedelo lacag ama (Vote for Cash), kaasi oo laga dareemayo inuu Diplomaasiga ku milmay ama qeyb ka yahay Khilaafka u dhexeeya Madaxda Dowladda Federalka.
Tallaabadda uu Ambassador Kay ku dhaqaaqay ayaa waxaa aad uga carooday Waddaaniyiinta, Sama-jeclayaasha iyo Xildhibaanadda ay ku dheer tahay Haybadda Qaranka, kuwaasi oo su’aal ka keenay Dhexdhexaadnimada Ergaygaasi.
Waa hubaal inuu shaki siyaasadeed iyo dareen xooggan ka abuurmay hadalka Ergaygaasi, iyadoo ay qaar ka mid ah Xildhibaanadda Barlamaanka ugu baaqeen Kay inuu raalli-geliyo, laakiinse dhegaha ayuu ka fureystay.
Xogo lagu kalsoonaan karo ayaa waxay sheegayaan inay jiraan Saraakiil Somali iyo Wasiiro hore oo la shaqeeya Nicholas Kay, oo iyaga ka dab-qaata falalka ay ku kacaan.
Xildhibaanadda ka biyo diiday hadalkii Ergaygaasi, ayaa tilmaamay inuu Nicholas Kay yahay Diblomaasigii ugu horreeyey ee ka socda Beesha Calaamka, oo qadaf intaasi la eg ku dhaawacay sumcadda Mudanayaasha Soomaaliyeed.
Aqoonyahannadda Soomaalida ayaa iyagana carro kula dul-dhacay Hab-dhaqankii Kulankii Xildhibaanadda ee Codka Kalsoonidda loogu qaadi lahaa Xukuumadda ra’iisul wasaare C/Weli Sheekh.
Aqoonyahannada waxay falaanqeyntooda tooshka ku ifinayaan Xildhibaanaddii watay Islooganadda ay ku qornaayeen Hal-ku-dhig ay ku durayeen 140-kii Xildhibaan ee soo bandhigay Mooshinka, wuxuuna Hal-ku-dhigaasi dhinac ka shabahayey hadalkii Kay.
Waa hubaal in sida laga dheehaday Madasha maalintaasi iyo Muuqaalladda Telefishinnadda, waxay Mudanayaasha diidaanaa Mooshinkaasi wateen Hal-ku-dhegga ku qornaa Afka English-ka oo ahaa “No Vote for Cash” oo Af Soomaali la micno ah Maya Cod lacag lagu beddesho.
Qaar ka mid ah Waxgaradka Bulshadda ku nool Muqdisho, waxay rumeysan yihiin in Mudanayaasha watay hal-ku-dhegaasi lagu tuhmayo inay ku aragti yihiin Nicholas Kay, oo isaga War-saxaafadeedkiisa ku xusay Oraaahda ah Vote for Cash ama Cod ku bedelasho lacag.
Siyaasiiinta Madaxa Bannaan ayaa Aragtidooda ka dhiibtay dhacdooyinkii siyaasadeed ee u dambeeyey, gaar ahaan Hadalkii uu Nicholas Kay kaga hadlay Barlamaanka Somalia.
Siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan Cali oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Nabadda ayaa isagna si kulul u naqdiyey hadalkii Nicholas Kay.
Waxa uu salluugay hadalka qadafka ah ee uu Nichola Kay ku waxyeeleeyey Haybadda Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka, wuxuuna ku baaqay inuu Nicholas Kay isaga baxo dalka Somalia.
Waxa uu ku tilmaamay inuu Nicholas Kay yahay qof aan dalka laga jeclayn “persona non grata”. Isticmaalka Erayga “persona non grata” ayaana ah Lahjad Diplomaasiyadeed lagu muujiyo halbeegga ugu hooseeya ee Shaqsiga ama Diplomaasiyiinta Shisheeyaha ee aan laga jeclayn Waddanka ay ka hawlgalaan.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa isweydiin mudan maxaa ka jira in Nicholas Kay iyo Mudanayaasha Mooshinka diidan isku aragti ka yihiin inay Mudanayaasha codkooda ku bedeshaan lacag? Kollay Taariikhdaa xusi doonta Xildhibaanka Waddaniga iyo Mudanaha wehelka u ah Aragti Shisheeye.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

