Muqdisho (Caasimada Online) – Sida lagu soo daabacay Shabakadda Wararka ee IHS Maritime, waxay faahfaahin ka soo baxaysaa Kontaynar bishii hore ee October 25-dii lagu qabtay Dekedda Muqdisho, ee laga dhex helay waxyaabaha qarxa, labiska ciiddanka, mindiyo, miinooyinka magnetka ama birlabta leh ee loo adeegsado in lagu rakibo gaadiidka si loogu adeegsado qaraxyo.
Kontaynarka laga helay qalabkaasi ayaa la sheegay inuu u diiwaan gashan yahay Shirkad lagu magacaabo BIL, wuxuuna Kontaynarkaasi qeyb ka ahaa Kontaynar uu waday Markab ka yimid dalka Shiinaha, kuna soo xirtay Dekedda Muqdisho bishii October 22-dii ee la soo dhaafay.
Boliska Dowladda Federalka ayaa la sheegay inay qabteen oo ay baaritaanno ku hayaan labo nin oo ku lug leh xamuulkaasi sharci-darradda ah.
Dhinaca kale, Shabakadda Wararka ee Sabahi ee ay leeyihiin Hawlgalka Ciiddanka Maraykanka ee Afrika ayaa qoray in qabashadda shixnadaasi muujinayso inay sii kordhayso Waxqabadka Hawlaha Badda iyo Heerka Ammaanka ee Dekedda Muqdisho.
Golaha Ammaanka ee QM waxay Bishii la soo dhaafay ee October 24-dii ansixiyeen inay Dowladaha iyo Urur-gobaleedyadda u fasax yihiin inay qaadaan tallaabo kasta oo lagu baarayo Maraakiibta ku sugan xuduud-baddeedka Somalia, si loo hubiyo inaysan wadin shixnaddo hub ama dhuxul ah.
Safiirka Britain u jooga Xarunta Dhexe ee QM, Mark Lyall ayaa sheegay in dhuxusha laga dhoofiyo Somalia qeyb ka tahay deganaansho la’aanta ka jirta dalka Somalia.
Xigasho: IHS Maritime

