28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

CAALIN: Khilaafka DF wuxuu wiiqayaa taageerada beesha caalamka ee DFS

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Iyadoo todobaadyadii lasoo dhaafay ay Soomaaliya ka jireen xiisado dhanka siyaasadda ah oo u dhexeeya madaxda dowladda, saameynna ku yeeshay baarlamaanka dalka ayaa waxaa arrintan ka hadlay, Maxamed Maxamuud Nuur Caalin oo ah la taliye madax-bannaan oo dowladda Finland kala taliya arrimaha Soomaaliya.

Caalin oo u warramayay warbaahinta ayaa sheegay in caalamka uu si aad ah ula yaabban ugana walwalsan yahay khilaafka madaxda dowladda Somalia u dhexeeya iyo sababihii ay u diideen talooyinkii Beesha Caalamka ee xiisadan lagu qaboojin lahaa.

“Dunidu aad ayay ula yaabban tahay waxay madaxda Soomaaliya ku diideen talooyinka Beesha Caalamka, gaar ahaan wafdigii ka socday dalalka UK iyo Mareykanka, kuwaasoo madaxda kala hadlay sidii lagu xallin lahaa khilaafka u dhexeeya, balse ay ku gacan-sayreen,” ayuu Caalin yiri, isagoo intaas ku daray. “Britain iyo Mareykanka in madaxda Somalia ay ka diidaan talooyin lagu xallin lahaa khilaafkooda waxay ku keentay walaac weyb iyo in ay dib u eegaan dadaalladii ay ku doonayeen inay Soomaaliya colaadaha iyo rabshadaha dabada-dheeraaday uga samato-bixiyaan.”

Sidoo kale, Caalin wuxuu sheegay in madaxweynaha Somalia uu safka hore kaga jiray  dadka Soomaaliyeed ee caalamku uu ku kalsoon yahay in dalka ay hoggaamin karaan, balse arrintaas waxaa burbur ku keenay buu yiri talo diidadii uu kala horyimid.

“Beesha Caalamku si weyn ayay u taageertay dowladda hadda jirta, taasoo dalka ka saartay KMG-nimadii uu muddada fog kusoo jiray, waxaana sidoo kale uu caalamku dadaal badan ku bixiyay sidii dalka xasilinta dalka. Balse khilaafkan ayaa sabab u noqday in caalamku uu indho kale maanta ku eego Soomaaliya,” ayuu Caalin hadalkiisa ku daray.

Mar uu ka hadlayay buuqii ka dhacay xarunta baarlamaanka Somalia ayuu ku tilmaamay inuu sii adkeynayo walaaca caalamka ee ku aaddan isbedelka siyaasadda Somalia iyo sidii ay ka doonayeen Soomaaliya inta aan la gaarin 2016-ka oo la qorsheynayo inay dalka doorasho ka dhacdo .

“Qalalaasaha baarlamaanka iyo khilaafka madaxda sare ee Somalia wuxuu kusoo beegmay xilli caalamku uu u heellan yahay inuu Soomaaliya gacanta qabto, runtiina waa arrin laga xumaado waxa dhacaya oo dhan. Xilligan ma ahayn xilligii khilaafka waxaa la doonayay in diiradda la saaro sidii lagu gaari lahaa higsiga sannadka 2016-ka, xilli lagu wado inuu toddobaadka soo socda dhaco shirka Copenhagen, kaasoo dowladda Somalia iyo deeq bixiyayaasha caalamka ay dib iskula eegi doonaan hormarka laga gaaray Hiigsiga Cusub oo bishii September ee sannadkii hore la isku raacay,” ayuu Caalin mar kale yiri.

Caalin wuxuu hadalkiisa raaciyay in diidmadii talooyinka beesha calaamku ay keentay in dowladda Maraykanka oo lagu waday inay wafdi heer sare ah u dirto shirka Copenhagen ay si cad ugu dhawaaqdo inay u dirayso wafdi aanu heerkiisa sarreysa, taasoo dhabar-jab weyn ku ah buu yiri Soomaaliya iyo hoggaankeeda.

“Tani fool-xumo weyn iyo fadeexad ayay ku tahay Soomaaliya, runtiina waa dhaqan fool-xun, waxaana madaxda iyo xildhibaannada laga doonayay inay ka fekeraan shacabkooda dhibaateysan sidii ay u samata-bixin lahaayeen, balse ma ahayn inay dhibaato kale sii abuuraan. Waxaanan culummada iyo waxgaradka Soomaaliyeed weydiisanayaa inay arrintaan soo dhexgalaan oo khilaafka madaxda sare ee dalka si hoose loo xalliyo,” ayuu talo ahaan u soo jeediyay Caalin.

Ugu dambeyn, Caalin wuxuu ku baaqay in ergayga QM ee Somalia, Nicholas Kay lagu ixtiraamo hawsha uu Somalia uga hayo Beesha Caalamka oo bixisa dhaqaalaha lagu dhisi doono Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News