25.4 C
Mogadishu
Thursday, June 25, 2026

Xog: Ciyaarta Shariif Xasan Sheekh iyo saddexda masuul ee DF SOOMAALIYA

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo(Caasimada Online) – Xildhibaan Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxaana lagu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo.

Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaaladaasi kusoo dhaweeyay masuuliyiin horay ugu sugnaa magaalada Baydhabo.

Xogta ay helayso Caasimada Online ayaa sheegaysa in Shariif Xasan uu u tagay magaalada Baydhabo inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha maamulka koofur Galbeed Soomaaliya.

Madaxda ugu sareyso dowlada Soomaaliya ayaa 10-kii bishaan soo saaray qoraal ay ku amrayaan in la hakiyo shirka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Arinta ayaa ka dambeysay kadib markii la ogaaday in xubnaha odayaasha ee la doonayo inay madaxweynaha doortaan inay taageero u yihiin Shariif Xasan Sheikh Aadan, iyadoo laga duulayo in madaxweyne uu san koofur galbeed ka noqon Shariif Xasan.

Xubnaha gudiga doorashada ayaa aad loo aamisan yahay inay si dhow saaxiibo ula yihiin gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Waxaa sugayaa in dhawaan Shariif Xasan uu ku dhawaaqo inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha koofur galbeed, maadaama gudiga doorashada ay shaaciyeen in dhawaan doorashada dhaceyso.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News