25.8 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Kenya iyo Itoobiya oo iyaga oo gashan shaarkii IGAD Somalia ku bur-burinaya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Sida la ogyahay urur goboleedka la yiraahdo IGAD waxaa ku mideysan wadamada kala ah Soomaaliya,  Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Sudan, Koonfurta Sudan,  iyo Uganda waxaase sida ay ka war qabaan dad badan oo soomaali ah waxaa sanadihii la soo dhaafey gaar ahaan intii ay soomaaliya bur bursaneyd magaca IGAD ku shaqaysanayey oo danahooda siyaasadeed ku qunsanayey dawladaha Itoobiya iyo Kenya kuwaas oo Heshiis ku ah Burburinta iyo Duleynta dawladda Soomaaliya iyo shacabkeedaba waxaana dawladahaas ay aad uga shaqeeyeen inay mar walba kala qaybsanaadaan shacbiga soomaaliyeed iyagoo aad u hurinaya dagaalo dadka walaalaha ah leysaga hor keenayo waxaana arimahaas oo dhan ay dawladahaas u adeegsadaan dad soomaali ah oo siyaasiyiin isku sheegaya kuwaas oo Jawaasiis u ah iyadoo sida la ogyahay dagaaladaas had iyo jeer ay ka dhashaan Dil,  Bur Bur Hantiyeed, Gaajo iyo Qax.

Dalalka Itoobiya iyo Kenya iyagoo gashan shaarka IGAD waxay doonayaan in ay soomaaliya ka dhisaan maamulo tabar daran oo Federaal ah waxaana si gaar ah hadii aanu u xuso Dawladahan Bilahii la soo dhaafey ay si xoog leh uga shaqeynayeen una wadeen sidii Gobolada Koonfurta Soomaaliya loogu sameyn lahaa Maamulo Daciif ah oo si toos ah u hoos yimaada isla markaana amarka uga qaata Caasimadaha dalalka Kenya iyo Itoobiya ee AddisAbaba iyo Nairobi.

Inkastoo ay aad u badan yahiin hagar daamada iyo dhibaatada dalalkaas ay ku hayaan soomaaliya hadana waxaa aad u muhiim ah Shacbiga soomaaliyeed in ay ogaadaan wadamada Itoobiya iyo Kenya oo haatan si toos ah shaarkii IGAD ugu shaqeysanaya in aysan marna har qabow u jiideen soomaaliya waxa ugu weyn ee ay u socdaan isuna kaashanayaana ay tahay sidii dalkeena hooyo ee soomaaliya qabriga loogu hubsan lahaa khariidada dunidana looga waayi lahaa.

Ka sakow fara gelinta ay soomaaliya ku hayaan dalalka Itoobiya iyo Kenya waxaa iyaguna jira in Dalalka Reer Galbeedka ay si xoog leh gacanta ugula jiraan arimaha soomaaliya ujeedadooda ugu weyn iyo qorshaha ay wataana ayaa waxuu yahay in ay Soomaaliya sii burburto isla marlaana ay sii ahaato dawlad aan marnaba ka hoos bixin Gacanta Reer Galbeedka waxaana qorshayaasha ay dhigteen kuwa ugu muhiimsan ka mid ah ayagoo la sugaaya inta ay siyaasad mideysan ka yeelanayaan dhammaantood iskuna waafaqayaan sidii ay u qaybsan lahaayeen Khayraadka ay soomaaliya leedahay,  ilaalinta marinada muhiimka ah ee mara Soomaaliya Badaheeda,  iyo mustaqbalka sida ay ugu heshiin lahayeen dawladaha Yurub iyo Maraykanka oo islana socda haddana kala socda. Ogow Reer Galbeedku siyaasadda Soomaaliya iskuma waafaqsana.

igad tuugoQorshahayaasha kale ee wadamada reer galbeedka ay soomaaliya ka leeyihiin waxaa ka shaqeeynaya ninka la yiraahdo Nicholas Kay oo ah ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan soomaaliya waxana hawsha uu haayo Mr Kay ka mid ah in uu Soomaaliya xaalkeeda sii fogeeyo si uu xafiiskiisu u sii furnaado ka dibna uu u yiraahdo Soomaaliya dawlad ma noqon kartee dawladnimo ha la gaarsiiyo oo caalamku ha u soo diraan ciidamo UN,  ah Qaramada Midoobey kuwaas oo ilaaliya maamul si toos ah u hoos yimaada qaramada midoobay isagana uu madax ka yahay,  arintaas waxaa qaba dad badan oo siyaasiyiin ah,  oo waliba si wanaagsan ugu dhuun daloola qorshayaasha uu maleegayo Nicholas kay oo ah nin mudo dheer ka so shaqeeyey dalal Afrikaan ah oo ay dagaalo sokeeyo aafeeyeen sida Congo,  iyo Sudan.

Walaalayaal waxaa hubaal ah in wax walba ay ku dhammaanayaan sida uu ilaahay doono,  laakiin waxaa muuqata in Soomaaliya dib looga abaabulayo dagaalo sokeeye oo abuuri kara in mar kale uu ku daato dhiig badan,  kaas oo asalkiisu yahay FEDERAAL iyo anagaa iska leh dhulkaan ee nooga guura.Waxaa kaloo aad loogaga cabsi qabaa in ciidamada hadda ku sugan Soomaaliya ee Amisom gaar ahaan Itoobiya iyo kenya in aysan dalka ka bixin ayagoo ku mar marsoonaya inaan Soomaaliya xasiloonayn hada ogow iyagaa ka shaqaynaya inaan Soomaaliya Siyaasad ahaan iyo amni ahaanba aysan u xasilin.

Cabsida ugu weyn ee ay dad badan oo soomaali ah ay qabaan ma ahan dagaalo dhaca oo kaliya ee waxaa aad looga baqayaa in ay meesha ka baxdo Magacii dawladnimo iyo jiritaanka sharciyadeed ee ay haysato.

Ninbaa yiri: cadaabka qabrigaa ii nugleeyay inkastoo fara gelinta lagu haayo soomaaliya sidaas aan soo sheegney ay aad u xoogan tahay misana dadka soomaalida in cadawgoodu uu isu kaashado oo uu soo fara geliyo arimahooda gudaha waa mid ay iyagu is bideen ka dib markii ay heshiin waayeen isu tanaasuli waayeen is naceen oo isu naxariisan waayeen wax kasta oo qaranimadooda Qatar ku ahna ay ka shaqeeyeen waxaana guud ahaan arimahaas ay dhaleen in soomaaliya ay noqoto wadan iska beylah ah oo cid kasta ay iska haweysto waxaana xaalkeenu uu noqdey Lax weliba shilalkey is dhigto ayaa lagu qalaa.

Sida xaqiiqadu ay tahay Soomaaliya inkastoo ay maanta tabar daran tahay qaladaad badan oo soomaalida dhexdeeda gaar ahaan kuwa ay sameeyeen siyaasiyiinta uu jiro hadana waa in umadda soomaaliyeed ay ku mintidaan in aysan marna cadawgeeda isku dhiibin waxaana muhiim ah in dadka soomaalida ay qalbiga ku hayaan maah maahda carbeed ee tiraahda: Hadii aad xaqaaga ka tagto waqtiga aad Daciifka tahay ma heleysid markaad awood yeelato.

Ugu dambeyn waxaan leeyahay DIIN ayaa waxa la yiri diinoow waxaa kuu tashanayey Haadka duula oo waxay ku tashteen inay beri hilibkaaga kala goostaan. Markaas ayuu yiri meeshii la iigu tashanayey soo Ilaahay ma joogin,  markaasaa la yiri HAA.

Markaas ayuu ku jawaabay haddaba Ilaahey ayaan talo saartay,  Alle aamina ma iisho. Waxaa la yiri subaxdii ayuu wuxuu Diinkii soo toosay asagoo qolof adag Ilaahay ku dahaaray sidaasna uu kaga badbaaday dhibaatadii ay Haadu la damacsanaayeen.

Walaalayaal Soomaaliya meesha loogu tashanaayey Ilaahay ayaa joogay waxaana Alle ka baryeynaa inuu naga qabto cid walba oo dhibaato nala maagan. Qoloftii Ilaahay Diinka ku dahaarayna uu inooga dahaaro dhibka iyo qiyaanada ay nala maagan yihiin cadowga umadda Soomaaliyeed.

 Waxaa qorey: Cabdulahi Nur Colombo. 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

- Advertisement -

Read more

Local News