25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Xasan oo u hanjabay odayasha Abgaal

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ka tirsan Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa Caasimada Online u sheegay  in Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud uu dhowr maalmood ka hor u hanjabay odayaal ka tirsan beesha Abgaal, ugana digay inay la kulmaan ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh.

Sida uu sheegay xildhibaanka, madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa si sarbeeb ah ugu digay odayaasha, isaga oo u sheegay inay cawaaqib aan wanaagsaneyn ka dhallan karto taageero xilligan loo muujiyo ra’iisul wasaare Cabdi Weli.

Arrintan ayaa la sheegay inay ka dambeysay kadib markii qaar ka tirsan odayaasha ay casuumad ka heleen ra’iisul wasaaraha, oo ka codsaday inay kulmaan, isaga oo raadinaya taageero uu isaga yareeyo cadaadiska saaran.

Sida la sheegay madaxaweynaha ayaa odayaasha beeshiisa u sheegay inay tahay arrin wanaagsan in xilligan ay dhex dhexaad ka noqdaan khilaafka ka dhex taagan madaxda sare ee dalka.

Digniinta madaxweynaha ayaa waxaa sidoo kale dheeraa digniin kale oo ay odayaasha kala kulmeen hay’adda nabad sugidda qaranka Soomaaliya.

Dhawaan ayey aheyd markii Ciidamada Nabadsugida ay xirxireen Odayaal ka tirsan Beelaha Hawiye oo kullamo la qaatay ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed.

Qaar ka mid odayaasha Hawiye ayaa weli siyaasad ahaan kasoo horjeeda Xasan Sheekh, ayaga oo dhaliilsan go’aanno aan la jecleysan oo uu horey u qaatay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News