26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

SUXUFI caawa lagu dilay GAALKACYO

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Weriye ka tirsanaa Radio Daljir  iyo Horn Cable TV ayaa caawa lagu diley degmada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Weriyaha oo lagu magacaabi jirey Cabdirisaaq Cali Cabdi kuna magac dheeraa Silver waxaa madaxa ka toogtey labo nin oo biskoolado ku hubeysnaa waxyar kadib salaadii Cishaha xilli uu marayey bartanka magaalada gaar ahaan halka loo yaqaan Xero Daraawiish.

Silver oo kamid ahaa weriyaasha ugu caansan Puntland horayna uga soo shaqeeyey idaacadaha Radio Galkacyo iyo Codka Nabadda wuxuu ifka uga tegey hal xaas iyo labo wiil.

Waa weriyihii saddexaad ee ka tirsan Radio Daljir oo tan iyo sanadkii 2011 magaalada Gaalkacayo lagu dilo wuxuu sidoo kale shan ku noqonayaa tirada weriyaasha ilaa sanadkii 2011 Galkacayo lagu diley.

weriye silver

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News