28.9 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Madaxda ugu sareysa DFS oo ku kala qeybsamay doorashadii Shariif Xasan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalin ka hor Shariif Xassan Sheekh Axmed loo doortay Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ee Somalia, ayaa waxaa arrinkaasi siyaabo kala duwan uga kala hadlay Madaxda ugu sareysa dalka.

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, wuxuu soo dhaweeyayaa dhismaha maamulka dawlad Goboleedka Koofur galbeed Somalia. Wuxuu hambalyo iyo bogaaadin u diraayaa Madaxweynaha maamulkaasi Shariif Xassan Sheekh Axmed.

Madaweynaha JFS wuxuu kale oo uu ku talinayaa in la saxo wixii ka dhimman dhammeytirka sameynta maamulkaas, wuxuu Soomaalida deggan Koofur Galbeed ku bogaadinayaa in ay masiirkooda ka tashaadaan.

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federal-ka C/llahi Goodax Barre ayaa isna dhankiisa ka sheegay in ay Dowladdu soo dhoweyneyso Maamulka Halkaa loo dhisay, halka hadalkiisa ay shalay iska Fogeysay Xukuumaddu, taasoo dhankeeda sheegtay in ay ka Fiirsaneyso waxa ay kaleedahay Maamulka halkaa laga Yagleelay.

Dhismaha iyo Doorashada Maamulka Koofur Galbeed waxaa Qaadacay Ra’isulwasaaraha dalka C/weli Sheekh Axmed oo sheegay in Xukuumada Somalia, aysan aqoosan doonin Maamulka, kadib markii uu sheegay in doorashada loo adeegsaday wado aan munaasab aheyn sidaa darteedna ay Xukuumadu dib u eegi doonto, isagoona ka caga jiiday in Maamulka uu Shariif Xassan Madaxweynaha ka yahay uu aqoonsado.

Sidoo kale, Gudoomiyaha Baarlamaanka DF Somalia Maxamed Sheekh Osman Jawaari, ayaa ka shanqariyay inaysan aqoonsan doonin wixii kasoo baxay shirarkii halkaasi ka dhacay iyo doorashadii lagu doortay Madaxweyne Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Ka sokow kala Aragti Gedisnaanta Madaxda dalka, ayaa waxaa qeyb ka noqday Xildhibaano kasoo jeeda Gobolada Bay iyo Bakool oo iyaguna qaadacay Doorashada islamarkaana daboolka ka qaaday inaysan aqoonsan doonin Maamulka iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Xildhibaanada ayaa waxaa kamid ah Maxamed Ibrahim Xaabsade oo sheegay inaysan aqbali doonin dhismaha maamulka waxa uuna Tilmaamay in dhismaha uu yahay mid aan ku imaan rabitaanka shacabka.

Dhanka kale, ku kala qeybsamida Madaxda dalka ee dhismaha Maamulka Koofur Galbeed ayaa waxa uu muujinayaa isku xirnaansho la’aanta ka dhex taagan DF.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News