Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalinimadii shalay magaaladda Copenhagen ee dalka Denmark uu ka furmay Shirka hiigsiga cusub ee 2016, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Maamulka Somaliland oo aan shirkaasi xaadirin.
Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in maamulkoodu xoojinayo wadahadalka ay la leeyihiin Somalia taasoo ay tahay Ujeedada ugu weyn in xal laga gaaro xiriirkooda mustaqbalka, balse muhiimadu aysan aheyn in maamul ahaan ay u hor fadhiistaan DF Somalia.
Biixi waxa uu sheegay in ka maamul ahaan ay soo dhaweynayaan in Taageeradida beesha caalamku la garab taagantahay Somalia.
Isaga oo ka hadlaayay sababta ay uga baaqdeen Shirka ayaa waxa uu yiri ”Somaliland waxa ay go’aan cad ku gaartay inaysan ka qeybgalin shir waliba oo aan maqaamka dowladnimo loo Casuumin sida Dowladda Federaalkaee Soomaaliya loogu casuumay, inagu waxaa nahay Dowlad madax-banaan waa inaan si gaar ah u helnaa xuquuqdeena waana tan keentay inaan ka baaqano shirka magaaladda Copenhagen ee dalka Denmark”
Sidoo kale, waxa uu sheegay in Somaliland ay taageereyso dadaal kasta oo lagu horumarinayo Nabadgelyada,dhisamaha dowladnimada iyo horumarka dhaqaalaha ee mandaqada Geeska afrika gaar ahaan Somalia oo ay ka taagan tahay dhibaatooyin ku xiran Siyaasadaha is diidan.
Dhanka kale, waxa uu Biixi Caalamka ka codsaday in Wakhtiyada shirarka aysan Somaliland wax ugu darin Somalia inteeda kale, waxa uuna Carabka ku dhuftay inay ka madaxbanaan yihiin DF Somalia, sida uu hadalka u dhigay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

