31.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Puntland oo caddeysay mowqifkeeda ku aadan khilaafka Xasan & Cabdi Weli

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay maanta Xafiiska Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa lagu cadeeyay mowqifka Puntland ka taagan tahay Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Qoraalka oo ka kooban todobo qodob ayaa lagu sheegay in Puntland ay ka walaacsan tahay khilaafka oo meel sare gaaray, loona baahan yahay in xal loo helo. Waxay sidoo kale ka digtay  “In dhaqaale lagu bixiyo abaabul siyaasadeed iyo burburinta maxkamada dastuuriga”.

Sida laga dareemi karo qoraalka, maamulka Puntland ayaa la safan ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed.

Qoraalkan ayaa yimid maalin un kadib madkii Caasimada Online ay shaacisay xog gaar ahayd oo ku saabsan in R/W Cabdi Weli uu la hadlay Gaas kana codsaday in Puntland ay caddeyso mowqifkeeda, taageerana u muujiso.

Halkan ka arag xogtii aan shalay qornay iyo sida ay usoo shaac baxday 

Hoos ka akhriso mowqifka Puntland

punt 1punt 2

- Advertisement -

Read more

Local News