32.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Majaajiliiste ILKACASE oo geeriyooday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Majaajalistaha caanka ah ee Soomaaliyeed Cabdi Maxamuud Ilkacase.

Mareereye ku-xigeenka Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cabdikariim Jiir oo la hadlay warbaahinta Dowlada ayaa xaqiijiyay geerida Cabdi Maxamuud Ilkacase,isagoona sheegay in xaalada majaajilistaha ay ahayd mid wanaagsan,laakiin tii rabi u timid.

Abwaanka ayaa sheegay in Allaha u naxriistee Majaajliste Ilkacase laga heley Meydkiisa guriga oo ka deganaa Muqdisho duhurnimadii maanta,waxaana Abwaanka uu noo xaqiijiyay in xaalada caafimaad Allaha u naxriistee Cabdi Maxamuud Ilkacase ay aheyd mid wanaagsan hase yeeshee geeridan ay tahay mid naxdin leh oo ku soo boodo ah.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa durba ka tacsiyadeeyay geerida marxuumka,iyagoona Allah uga baryay inuu ka waraabiyo Janadiisa Fardowsa.

ilkacase

- Advertisement -

Read more

Local News