London (Caasimada Online) – Laba nin oo mid kamid ah uu yahay Somali British ah oo degnaa magaalada Landon,oo kolhore ku biiray kooxda Daacish iyo mid u dhashay dalka Eratrea ayaa lagu soo waramayaa in ay dhinteen iyagoo ka bar bardagaalamya kooxda Daacish,markii diyaaradaha cirka dowlada Mareykanka ay duqeyeen saldhig ay Daacish ku lahaayeen dhulka suriya.
Nimanka la dilay ayaa lagu kala magacaabaa – Abu Abdullah al-Habashi, oo 21-jir ah una dhashay dalka Eratrea, iyo Abu Dharda, oo 20 –jir ah,una dhshay dalka Somalia sida lagu sheegay warkooban oo ay qoreen warbaahinta gudaha dalka ingiriiska.
Warbixinta waxaa kale oo ay sheegeysaa in Al Habashi uu kuso bar baaray waqooyga magaalada Londan ,waxaana asal raaciisa lagu sheegay in uu yahay nin udhashay dalka Erithrea balse heysata dhalashada dalka Ingiriiska.
Dowlada ingiriiska ayaa aaminsan in qiyaastii 500,oo ruux oo udhashay dalka ingiiska ay ku biireeen kooxda Daacish,taasina wal wal ay ku reebtay dowlada iyo shacabka dalkaasi.
Warbixin lagu qoray bogga wargeys kasoo baxa dalka ingiriiska ayaa lagu shaaciyay,in labadaasi ruux ay dalka suriya usocdaaleen bishii December sanadkii 2013,iyagoona xiligaasi usii maray dalka Turkiga.
Police-ka dalka ingiriiska ayaa sheegay in aysan heli Karin wax warbixin ah oo ku saleysan labada ruux ee la sheegay in lagu dilay dalka suriya,iyagoo umicneynaya helida xogtooda oo aan lagu kolsoonaan Karin.
Caasimada Online
Xafiiska London
[email protected]

