29.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

XOG: Faarax iyo Cabdi Weli oo kulmay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa sheegaya in kulan uu dhex maray R/W Cabdi Weli Sheekh Axmed iyo wasiirka dastuurka Faarax Sheekh C/Qaadir.

Kulanka ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid ay Labada Mas’uul uga arinsanayeen qaabka ugu macquulsan oo ay kusoo afjari lahaayen Khilaafka markii hore ka dhashay labadooda ee kadib u gudbay madaxweynaha.

Sida ay wararka sheegayaan R/W C/weli ayaa Faarax ku dhiiragaliyay inuu ka shaqeeyo sida looga gudbi lahaa Khilaafka islamarkaana uu aqbalo go’aankii uu qaatay ee golaha wasiirada uu isugu shaandheeyey.

Sida warku lee yahay, ra’iisul wasaaraha ayaa rumeysan in haddii ay isafgartaan isaga iyo Faarax, ay taasi sidoo kale xallin karto khilaafka madaxweynaha kala dhaxeeyo.

Si kastaba, Faarax ayaa la sheegay inuu diiday inuu aqbalo codsiga ra’iisul wasaaraha, uuna ku adkeysanay mowqifkiisa.

R/W C/Weli iyo Faarax ayaa isku fahmi waayay kulankooda, waxa uuna noqonayaa kii Lixaad oo ay wada qaaten, tan iyo markii uu curtay Khilaafka waxa uuna mid waliba ku adkeysanayaa inuu isaga saxan yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News