29.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Arrin mucjiso ah hooyo: Soomaaliyeed oo dhashay Wiil iyo mas mataano ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho(Caasimada Online)-Deegaan lagu magacaabo Shukuroow oo qiyaastii 3-ilaa 4-Km ujira Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose, ayaa waxaa ka dhacday Mucjiso rabaani ah, kadib markii hooyo Soomaaliyeed ay halkaasi ku dhashay Wiil iyo Mas mataano ah.

Dhacdadaan ayaa dhacday muddo hada laga joogo saddex cisho ka hor, waxaana dadka deegaanka ay ku noqotay la yaab, markii ay ka warheleen in Hooyada umushay ay dhashay Wiil yar iyo mas la mataano ah.

C/laahi Mohamed oo kamid ah dadka ku nool Degmada Afgooye oo booqday hooyga dhacdadaan ay ka dhacday, ayaa sheegay inuu indhihiisa kusoo arkay maska iyo wiilka yar ee hooyada dhashay.
Waxa uu sheegay inuu la kulmay Aabaha reerka oo uu la sheekeystay, waxaana Aabaha reerka uu sheegay in arintaan ay tahay mucjiso dhanka Alle ka timid, islamarkaana hooyada dhashay maska iyo Wiilka yar ay aad u argagaxsan tahay, tan iyo markii ay dhashay wiilka yar iyo maska.

C/laahi ayaa ku waramaayo in hadii guriga ay soo galaan dad aan aheyn Aabaha iyo hooyada dhashay maska iyo Wiilka, maska uu cararaayo wuxuuna hoosgalaya sariirta guriga ama meel kale uu dadkaasi uga dhuuman karo, hayeeshe markii ay baxaan dadka hadana dib ayuu usoo baxaya maska.
Sidoo kale Aabaha reerka ayaa si caadi ah gacanta ugu soo qaadaya maska, wuxuuna saaranayaa dhabta oo maska wax dhibaato ah uma geysanaayo.

Midab ahaan maskaan waxaa la sheegay inuu aad u madoow yahay uuna yar yahay, sida wiilka yar ee maalmaha dhalan oo kale.
C/laahi Mohamed oo ah ninka tagay aqalka dhacdadaan ay ka dhacday oo u waramay Idaacada Kulmiye, waxa uu sidoo kale sheegay in Wiilka yar marka caanaha la siinaayo uu maska imaanaayo, hadii wiilka uu seexdana uu seexanaayo maska si lamid ah sida wiilka yar uu useexday.

Waa dhacdo la yaab leh oo ALLAH umadiisa uu ku tusaayo awoodiisa, waxaana dadka tani loogu muujinaya inay ku cibro qaataan, kana fogaadaan wax waliba uu ALLAH ka xaaraantinimeeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News