Kaddib markii uu dhowaan dib ugu noqday dalka Maraykanka, jaaliyadda Khaatumo ee gobolka Virginia, waxay Maxdaxwaynahooda Dr. Cali Khaliif Galaydh casho sharaf soo dhowayn ah ugu sameeyay Washington.
Xafladdaas lagu soo dhaweeynaayay Cali Khaliif, wuxuu u adeegsaday ujeedo ka duwan tii loogu talogalay, taasoo dadkii halkaa joogay iyo in fara badan oo daawatayba aysan ku baraarugin.
Professorku wuxuu u yeeray wiilkiisa Warsame si uu reer Khaatumo iyo intii martida u ahayd u baro, kuna amaanay in uu Jaamacadda New Yorka ka haysto masters degree. Falkaan Cali Khaliif wuxuu ahaa bilowga (Kick-off) olole uu wiilkiisa siyaasadda ugu carbinaayo, kuna damacsan yahay inuu dhaxal ahaan uga tago kursigiisa.
Damaca nuucani ah, waxaa Cali ku dhiirrigeliyay kaddib markuu arkay in Cumar Cabdirashiid uu kursigii aabbaahiis Cabdirashiid ku fadhiistay, Maslax Maxamed Siyaadna kii aabbahiis isu soo istaagay, inkastoo uu ku fashilmay. Waxaa sidoo kale, kuraastii waalidkood dhaxlay Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Cabdiweli Maxamed Qanyare iyo kuwo kale.
Khudbaddii uu Cali Khaliif Xafladdaan ka jeediyay oo aan rajaynaayo inaad si qummaati ah u wada dhagaysataan, afkiisa wax aan amaantiisa iyo reerkiisa ahaynin kama soo bixin. Soomaalida inteeda kale waa ijaafeeyay. Wuxuuna yiri: “Innagu waa fiican nahay, laakin balaayadaan kale ee Ilaah waxa noogu daray ayaa horroro ah oo aan fiicnaynin”.
“Haddii wanaag innaga dhaxeeyo, waxaa laga arki lahaa Xamar”ayuu intaa sii raaciyay. Maruu Cali xusay magaca Madaxweynaha Pultland Cabdiweli Gaas, dadkii dhagaysanaayay, waxay ku dhufteen sacab xooggan oo ka nixiyay, si waayeelkii joogay aysan u fahmin, wuxuu af ingiriis ku yiri: “I don`t know what that clapping is for”. Macnuhuna yahay: “Ma garanaayo waxa sacabkaasi uu ka dhigan yahay”.
Dadku inay Gaas u sacbiyaan waa ku saxsanaayeen, Waayo, wuxuu ku dadaalaa inuu dad isku isir ah isu keeno, Calina waa kala gaynaa.
Cali Khaliif wuxuu eed dusha u saaray Cabdiweli Gaas ee uu ku sheegay inay dastuurka ugu qoran tahay inuu Sool, Sanaag iyo Cayn leeyahay, wuxuuse is-illowsiinayaa inuu gobolladaasi isaga isasiiyay Muqdishana ka dhigaayo meel 5ta Soomaali ka dhaxayso.
Cali khaliif oo la soo shaqaystay Siyaad Barre, sidii uu uga tagayna waa la wada ogsoon yahay. Waxay khilaaf ku kala tageen Cabdiqaasim Salaad Xasan. Wuxuu colaad kula jiraa Maamulka Somaliland, wuxuu muran kala dhaxeeyaa Puntland, wuxuusan ku kalsoonaynin Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ee uu wax ka dhisay.
Hadaba, waxaa iswayddiin leh: Ma wuxuu la midoobaa Moorogaabeey oo markii uu la hadlaayo ay tahay inuu turjubaan usoo wato? lama garan karo midnimada uu Cali Khafliif uu ku wacdinaayo, haddii aysan ahaynin mid asaga madax looga dhigaayo.
Dadka Khaatumo (Anigu waxaanba dhihi lahaa ( Qarandoon State) kama maran indheergarato mar haddeey Cali Khaliif ku dhaxeen: “Waxaad noogu timid inaad naga dhigato Sallaan (Steppingstone) aad Xamar ugu gudubto”.
Hadalka indheergaratada Khaatumo waa dhab. Waayo: Reer Cali Khaliif Galaydh uguma soo noqdaan inay aqoontooda Jaamacadaha dalka wax uga dhigaan, saahee mushaar fiican kama helaayeene.
Balse waxay soo doontaan mansab siyaasadeed si ay u maalaan haleelada siyaasadda. Marka ay waayaanna waxay dib uga noqonaayaan dalkii ay isku sidkeen ee Maraykanka.
Hadalka biyo-kama-dhibcaanka ahi wuxuu yahay in Pro. Cali Khaliif inuu damacsan yahay in wiilkiisa Warsame Cali uu dadka Khaatumo ka dhigto sallaan sidiisoo kale.
W/Q: Axmed Moxamed Axmed
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.
Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid