Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha baarlamaanka ee Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inay ku kulmaan xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.
Kulankaan ayaa ah mid baarlamaanka loo iclaamiyay inay ka yeeshaan mooshinka xukuumadda raysal wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed, oo maanta si rasmi ah loo qeybin doono.
Xildhibaanada kasoo horjeeda mooshinka iyo kuwa wada ayaa hanjabaado iyo hadalo kulul isku marinayay saacadihii lasoo dhaafay warbaahinta, waxaana goor sii horaysay gudoonka baarlamaanka uu shaaciyay inay ogolaan doonin kulanka in lagu buuqo talaabana ay ka qaadayaan xildhibaankii lagu arkaa.
Mooshinka ayaa xildhibaanada diidan waxaa ay u arkaan inuu yahay sharci darro oo ay dhaqaalle ku bixiyeen madaxwaynaha iyo xulufadiisa si ay meesha uga saaraan Ra’isul wasaaraha oo ay is khilaafeen dhawaantan, Beesha Caalamka ayaa sidaasi oo kalle iyana la wadaagta.
Xogtii ugu dambeysay waxa ay sheegeysaa in xildhibaanada kala tageersan labada dhinac ay iska daba dhow yihiin, inkasta oo waxyar ay badan yihiin kuwa madaxweynaha raacsan, balse ay saacad kasta wax is-beddeli karaan, oo weli ay socoto kala jiidasha xildhibaanada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

