32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xog: Maxaa laga filan karaa kulanka BF ee maanta (Qorsha cusub oo la dhigay)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta la filayaa in Baarlamaanka Somalia uu yeesho fadhi looga doodayo Mooshinka ka dhanka ah Ra’isul wasaaraha ee todobaadyo ka hor ay soo gudbiyeen Xildhibaannada qaar.

Dooda Mooshinka ayaa imaanaysa iyadoo Seddex jeer oo hore ay Xildhibaanno taageersan Ra’isul wasaaraha buuq ka sameeyeen gudaha Xarunta Baarlamanka si ay uga hortagaan Mooshinkaas.

Maxamed Sheekh Cumaan Jawaari oo kulankii ugu dambeeyay ballan qaaday in Talaadada maanta ah loo fariisan doono Mooshinka ayaa wuxuu Xalay kulamo gaar gaar ah la yeeshay Xildhibaanada Xildhibaanada qaar, wuxuuna kula dardaarmay inay fowdo iyo buuq ka ilaaliyaan fadhiga Maanta, isagoona ku goodiyay inuu Tallaabo adag ka qaadi doono islamarkaana uu yahay shaqsi uu sabarka ka dhamaaday.

Sidoo kale, warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Ciidamo isugu jiro Nabadsugid iyo Boolis la geeyay Xarunta BF Somalia oo Saaka uu fadhiga Mooshinka ku saabsani ka dhacayo, iyagooda ilaalin doona Ammaanka guud ee Xarunta.

Warar hoose ayaa sheegaya in laga cabsi qabo in halkaas ay xiisad ka dhalato, maadaama aanay wali Xildhibaanada kala aragtida duwani meelna isku raacin.

Waxaa lasii saadalinayaa in Kulankaani maanta ka furmi doono Xarunta uu noqon doono kulankii uu ku dhici lahaa R/W C/weli Sheekh oo isagu la sheegay inuu Ogolaaday in kursiga looga tuuro Mooshin.

Si kastaba ha noqotee, maanta arrinta ugu hadal heynta badan dalka ayaa waxay tahay Mooshinka iyo sida uu ku dhammaan doono.
Waxaana laga war sugayaa natiijada kasoo baxda kulanka Baarlamanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News