25.7 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Xasan Sheekh & Cabdi Weli oo uu soo food saaray walaac la xiriira in xubno…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka soconaayo loolan xoog badan oo lagu kala duufsanaayo Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, iyadoo Xildhibaanada laga walaacsan yahay in saacadaha soo socdo, ay wax iska bedelaan mowqifkooda ku aadan mooshinka.

Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, ayaa waxay ku hawlan yihiin sidii ay midba midka kale uga jiidan lahaayeen Xildhibaanada taageersan, xilli maanta xildhibaanada loo qaybinayo mooshinka ka dhanka ah Xukuumada.

Xildhibaanada mooshinka ka keenay Xukuumada C/weli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa waxay shalay ku kulmeen Hotel Naasa Hablood II, waxayna aragti mideysan ka qaateen kulanka maanta.

Xildhibaanadaan, ayaa waxaa loogu baaqayaa inaanay masuq maasuqin tallaabadii ay mooshinka kaga keeneen Ra’iisal Wasaaraha, ayna ka feejignaadaan in la duufsado.

Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, ayaa isku deyaaya in uu taageero ka helo Xildhibaanada mooshinka karkarinaya, si uu Sabtida kaga badbaado mooshinka kalsoonida kala noqoshada ee Xukuumada.

Marka aad milicsato tirada Xildhibaanada ee Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha la kala safan, ayaa waxaa kuu muuqanaaya inay badan yihiin kuwo taabacsan Madaxweynaha, hadana Xafiiska Madaxweynaha waxa uu ka cararayaa in hoos u dhac ay ku timaado cadadka Xildhibaanadaasi.

Hardanka Siyaasadeed ee ka jira Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lagu sheegay noociisii ugu xasaasinaa, tan iyo markii ay dhacday Dowladdii Dhexe ee Somaliya.

Shacabka Somaliyeed dal iyo dibadba waxay isha ku hayaan mooshinka yaala Xarunta baarlamanka ee maanta la guda gaalayo ka doodistiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News