Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay Villa Somalia, ayaa sheegaya in kulan ay wada qaateen Madaxweyne Xasan, Gudoomiyaha Baarlamaanka iy R/W C/Weli Sheekh, looga hadlay isku dayada ladonayo in ra’iisul wasaaraha uu isku casilo.
Wararka hoose ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan uu C/Weli u ballan qaaday seddex arrin oo lagu qancinaayo si uu Xafiiska u baneeyo, iyadoona balantaasi uu goob joog ka ahaa gudoomiyaha Baarlamaanka.
Xubno ku dhow Cabdi Weli oo la hadlay Caasimada Online ayaa laga sooxigtay in saddexda arrin ee loo soo bandhigay ra’iisul wasaaraha ay ka mid yihiin:-
1- In Ra’isul wasaare C/Weli uu xafiiska baneeyo islamarkaana uu qaato dhaqaale cayiman oo uu isagu sheegtay, oo la rumeysan yahay inay saddex milyan oo dollar tahay.
2 – In Wasiirada cusub loogu daro hal wasiir iyo laba wasiir ku xigeeno.
3 – In dhaqaale badan oo uga xayiran bankiga dhexe ee dowladda loo fasaxo.
Arrintaani ayaa la tilmaamayaa inay hirgaleyso wixii ka dambeeyo maanta oo la filaayo in golaha shacabka loo qeybiyo Mooshinka ka dhanka ah Cabdi Weli.
Si kastaba, Cabdi Weli ayaa ku adkeysanaya in codka kalsoonida baarlamanka lagu kala baxo,ayada oo warar ay sheegayaan in xildhibaano badan uu haysto, balse aan la ogeyn inuu isku haleyn karo iyo in kale.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

