Muqdisho (Caasimada Online)- Afhayeenka ururka Ahlu sunna gobolada koofureed ayaa si kulul kaga hadlay hadal dhawaan kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.
Sheikh Maxamed Xuseen Al-qaadi, oo la hadlay xafiiska Caasimada Online ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowlada Xasan Sheikh Maxamuud ay ka wanaagsanaayeen dowladahii KMG, sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuu sheegay in dowladahii hore uu kala dhaxeyn jiray xiriir wanaagsan ayna iska warqabi jireen mar walbaa, laakiin dowlada Xasan Sheikh ay ka gaabisay inay xiriir la sameyso Ahlu sunna gobolada koofureed.
Wuxuu sidoo kale sheegay inaysan waxba ka qaban hishiisyo dhanka gaashaandhiga oo horay u dhexmaray ciidamada dowlada Soomaaliya iyo ururka ahlu sunna waljamaaca, sida uu sheegay afhayeenka Ahlu sunna Sheikh Al-qaadi.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maalmo ka hor qoraal kasoo baxay xafiiskiisa waxaa lagu sheegay in lagu mideynayo ciidamada Ahlu sunna, kuwa maamul goboleedyada iyo dowlada Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]