Muqdisho (Caasimada Online)- Waxaa maanta la xiray wadooyin dhowr ah oo ku yaala magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadooyinka ku dhow dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya.
Gelinkii dambe ee shalay ilaa xalay waxaa xernaa wadooyinka soo gala kana baxa xarunta madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo ujeedada lagu sheegay adkeynta amaanka wadooyinka.
Wadada hor marta xarunta baarlamaanka ayaa sidoo kale maanta xeran iyadoo aan loo ogoleyn in gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay isticmaalaan wadadaasi.
Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa la qorsheynayaa inay maanta ku kulmaan xarunta golaha shacabka, iyadoo la doonayo in aadloo adkeeyo amaankooda.
Saraakiisha amaanka ayaa sheegay inay kaga golleeyihiin xernaanshaha wadooyinka inaan la sameynin falal amniga ka hor imaanaya.
Wadada Maka al mukarama waxaa gabi ahaanba lagu daadiyay ciidamo si gaar ah u tabaran kuwaasi oo celinaya dadweynaha iyo gaadiidka sida gaarka loo leeyahay.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]