28.6 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Wariyaasha oo loo oglaaday Golaha Shacabka iyo Xildhibaano badan oo….

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)- Wararka iminka naga soo gaaraya xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhow wariyaasha loo ogolaaday inay gudaha u galaan xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Wariyaha Caasimada Online ee Muqdisho ayaa soo sheegaya in wariyaasha ay marayaan baaritaankii ugu dambeeyay ee ay ku galayaan xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, si usii tabiyaan kulanka baarlamaanka ee maanta.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa qaarkood waxay ku sugan yihiin xarunta golaha shacabka, waxayna isku diyaarinayaan kulanka maanta la doonayo in mooshinka loogu qeybiyo xildhibaanada baarlamaanka.

Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka oo la hadlay wariyaha Caasimada Online ayaa sheegay inay maanta rajo wanaagsan ka muujiyaan kalfadhiga baarlamaanka Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale sheegay in aad loo adkeeyay amaanka xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo maanta kulanka uu ka dhici doono.

Dadka Soomaaliyeed ayaa indhaha ku wada haya waxyaabaha kasoo bixi kara kulanka maanta ee xildhibaanada, iyadoo kaliya maanta xildhibanaada loo qeybin doono mooshinka ka dhanka xukuumada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News