28.6 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Qorshaha Baarlamanka ee maanta iyo afar qodob oo miiska saaran (Aqriso)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)- Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan aan caadi aheyn ku yeelanaya xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, iyadoo la qorsheynayo in loo qeybiyo mooshinka ka dhanka ah xukuumada Soomaaliya.

Wararka aan ka helayno xarunta golaha shacabka ayaa sheegaya in xildhibanaada maanta ay yeelan kulan ka kooban seddex qorshe, waxaana ugu weyn in mooshin loo qeybiyo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Ajandaha shirka maanta ayaa ka kooban :-

1 in la dhaariyo xildhibaankii badali lahaa Shariif Xasan Sheikh Aadan oo madaxweyne ka noqday Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

2 in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya loo qeybiyo mooshinka ka dhanka ah xukuumada Soomaaliya.

3 in xildhibaanada loo qeybiyo miisaaniyada xukuumada ee sanadka 2015

4 Qeybinta hindise shariciyeedka gudiga xuduudaha iyo Federaalka.

Wariyaha Caasimada Online ee Muqdisho ayaa sheegaya in xildhibaanada ay arimaasi maanta ka doodi doonaan, sida lagu sheegay ajandaha xildhibaanada baarlamaanka.

- Advertisement -

Read more

Local News