28.6 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Amisom iyo Nabadsugid buux dhafiyay Xarunta BF SOMALIA (Maxaa cusub?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hor dhac ah oo aan ka heleyno Xarunta Baarlamaanka DF Somalia, ayaa sheegaya in halkaasi la geeyay inkabadan 350 Ciidamo isugu jiro AMISOM iyo kuwa Nabadsugida Qaranka Somalia.

Taliyayaasha kala hogaamineyso Ciidamadaasi, ayaa waxa ay Ciidamadu kuwar galinayaan inay sugaan Ammaanka Xarunta, iyagoona u kala qeybiyay gabi ahaan inta wado ee soo gasha Xarunta, halka qaarna ay gudaha iyo albaabada Xarunta la dhoobay.

Waxaa hadda Xarunta kusii qulqulaayo Xildhibaanada BF, waxaana socdo baaritaano adag oo lagu xaqiijinaayo Ammaanka Xarunta.

Dhanka kale, waxaa la filayaa in waxyar kadib uu furmi doono kulanka Baarlamaanka, islamarkaana loo qeybin doono Mooshinka, iyadoona ay xusid mudan tahay in Taliyayaasha iyo Ciidamadu ay ka feejigan yihiin in Xildhibaanada qaar ay sameeyan Foodo iyo buuq.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News