32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xildhibaannada garabka R/W C/weli oo hadal hayo Hal arrin oo is weydiin leh

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulanka Baarlamaanka ayaa waxa uu maanta yahay mid ka duwan kulamadii hore, waxaana si degan u socdo qeybinta Mooshinka iyo Khudbada Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Sidoo kale, waxaa qeybqeyb u fadhiya xildhibaanada kala taageersan Madaxweyne Xassan iyo R/W C/weli Sheekh Axmed.

Xildhibaanada taageersan R/W C/weli ayaa is weydiinaya halka uu maray Juhdigii ay muujinayeen kulamadii hore ee fashilka ku dhamaaday, waxa ayna niyad jab ka muujinayaan sida fudud ee uu R/W C/weli ku Ogolaaday Mooshinka.

Waxa ay soo hadal qaadayan in R/W C/weli uu baneyn doono Xafiiska, iyagoona carabka ku dhufanaayo wadahadal hoose oo uu C/weli la galay Madaxweyne Xasan iyo Beesha caalamka.

Arrintaani ayaa waxa ay maanta niyad jab adag ku beertay Xildhibaanada ku dhinaca ahaa R/W C/weli oo ay ku tilmaamen mas’uul ka leexday heshiiskii ay wada galeen.

Lama Oga waxa kasoo bixi doono qeybinta Mooshinkaani waxaase xusid mudan in R/W C/weli uu faarujin doono xafiiska, sida ay tibaaxeyso xog hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News