Kismaayo (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaarayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubada Hoose, ayaa sheegaya in Madaxtooyada Kismaayo ay dul dageen Saraakiil iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda Dowlad deegaanka Ethiopia iyo Dowlada Ethiopia.
Wararku waxa ay sheegayaan in qeyb kamid ah Madaxtooyada laga dajiyay, islamarkaana ay xafiisyo ka dhex furteen halka dhawaana ay la wareegi doonaan gabi ahaan ammaanka Madaxtooyada oo u gacan gali doonto Ciidamo taabacsan Militeriga Ethiopia.
Hogaamiyaha Maamulka KMG Jubba Axmed Madoobe, ayaa isaguna xiligaani la dhacsan Xiriirka kala dhexeeyo Dowlada Ethiopia oo ay siyaasad wadaagan yihiin, waxa uuna dadaal adag ku bixinayaa sidii Ethiopia loogu wareejin lahaa gabi ahaan Dekada iyo Garoonka Magaalada Kismaayo, oo hadda ay gacanta ku hayaan Ciidamada Kenya.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa hadda Kismaayo laga dareemayaa Siyaasado furfuran iyo Hanaan maamul, inkastoo ay si joogto ah uga dhacaan dilal iyo xadgudubyo kala duwan. Illaa iyo hadda lama yaqaan qorshaha Ethiopia ee Kismaayo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

