28.7 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Sawirro: Xog cusub oo kasoo baxaysa qaraxii ka dhacay garoonka Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheerad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qarax goor dhow ka dhacay Afafka hore Garoonka aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ahaa mid loo adeegsaday Gaari nooca raaxada ah oo la dhigay meel aan sidaa uga sii fogeyn xafiiska Shirkada Diyaaradaha Jubba Airways, halkaasoo aanay ka fogeyn barta ugu horeysa ee koontaroolka laga galo garoonka.

Inta la xaqiijiyay Qaraxa ayaa waxaa ku nafwaayay dad kor u dhaafayo 6-ruux, halka dhaawacana uu gaarayo 7-ruux oo gabi ahaan u badnaa dad shacab ah, waxaana jiro warar sheegayo in dadka meesha ku dhintay uu kamid ahaa Taliyihii Hay’adda Nabadsugida u qaabilsanaa Degmada dharkiinley ee Gobolka Banaadir .

Waxaa hadda goobta ku sugan Ciidamada Ammaanka DF Somalia, kuwaasi oo baaritaano ka haayo goobta, inkastoo ay weli soo baxayaan warar is khilaafsan oo ku aadan dhimashada, dhaawaca iyo qaabka uu qaraxa u dhacay.

Dhanka akle, Gaariga Qarxay ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid lala damacsanaa Shaqaale ka tirsanaa Xafiiska QM ee ku yaalla garoonka aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, hayeeshee waxaa la soo warinayaa in lala bartilmaameystay Kolonyo gaadiid ay lahaayen AMISOM

1 2 3

1 2 3

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News