32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xog: Xasan Sheikh oo diidan qaabka la rabo in codka kalsoonida loo qaado

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in Madaxweynaha Dowladda Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, uu ka soo horjeedo in cod u qaadista kalsoonida Xukuumada, laga dhigo mid qarsoodi ah.

Xafiiska Madaxweynaha, ayaa Xildhibaanada ka dalbanaaya in codku uu noqdo mid gacantaag ah maalinta Sabtida, oo lagu wado in Xildhibaanadu ay dhameystiraan dooda la xiriirta mooshinka, isla-markaana ay codka kalsoonida u qaadaan.

86 Xildhibaano, ayaa Khamiistii loo diiwaangeliyay inay ka qaybgasho dooda mooshinka kalsooni kala noqoshada Xukuumada. In ka badan 50 Xildhibaano ayaa Khamiistii ka qayb qaadatay doodaasi, inta kalana waxaa lagu wadaa in maalinta Sabtida ay horey u sii amba qaado. Xildhibaanada ayaa ah kuwo laba garab ah, lana kala safan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha.

Kolka la soo gaba gabeeyo dooda ku aadan mooshinka, ayaa waxaa markaasi go’aan laga gaari doonaa nooca ay noqon doonto cod u qaadista Xukuumada, haddii laga dhigi lahaa mid gacantaag ah iyo haddii mid qarsoodi ah ay noqon laheydba.

Madaxweynaha waxa uu daneynayaa in codka uu noqdo mid gacantaag ah, si loo garto Xildhibaanada la safan Madaxweynaha, haddii ay taageersan yihiin in Xukuumada la rido iyo in kale. Waana taa midda uu Madaxweynuhu u daneynaayo.

Muqdisho waxaa ka soconaayo loolan xagga Xildhibaanada ah, waxayna Xafiisyada Ra’iisal Wasaaraha iyo Madaxweynuhu, ay ka cararayaan in la duufsado Xildhibaanada la kala safan.

Siyaasiyiin la kala safan labada masuul, ayaa wado olale xoog leh oo lagu kala kasbanaayo Mudanayaasha Baarlamaanka.

Isha dhacdo

- Advertisement -

Read more

Local News