32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xildhibaanada BF: Berito xukuumadda R/Wasaare CABDI WELI way ku deysay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cusmaan Xaaji Cali oo kamid ah xubnaha baarlamanka ee gudbiyay mooshinka ka dhanka ah xukuumadda R/wasaare cabdiwali sheekh axmad ayaa sheegay in ay aad ugu kalsoonyihiin in barito codbixinta baarlamanku marka ay furanto si sharci ah ay xukuumaddu kalsoonideeda ku waayi doonto.

Xildhibaanka oo ka qeyb qaadanayay barnaamijka dooda Dalsan ee maanta oo jimco ah ka baxday idaacadda ayaa sheegay in R/wasaaruhu uu horey u lumiyay kalsoonidii xukuumaddiisa oo aqlabiyaddoodu ay lashaqeyn waayeen kana dalbadeen inuu iscasilo madaxweynihii soo magacaabayna uu hareer maray hadana uu waayay kalsoonidii baarlamaanka sida muuqatana 138 mudane ay saxiixday mooshinka ka dhanka ah xukuumaddiisa.

Xildhibaanka ayaa ku dooday marwalba in dhankooda ay guushu raaci doonto sida uu yirina ku dhowaad 200 oo mudane ayay hadda marayaan xubnaha taageersan aragtidooda ayna kamid yihiin tiro kale oo dib uga soo biirtay kana soo go’day dhinaca kale.

Mar uu ka hadlayay in ay dhici karto codbixin qarsoodi ah waxaa uu sheegay inaaney taas marna fileynin oo xubnuhu ay si cadaalad iyo xoriyad ah ay u codeyn doonaan iyadoo aaney jirin cid laqasbayo ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Cismaan Xaaji Cali.

Waxaan aqristayaasha bogan dalsan ku war gelineynaa in aan dhanka kale ku martiqaadnay doodada Dalsan balse ay daqiiqadihii ugu dambeeyay nagu soo wargeliyeen in aysan ka noqdeen go’aankii ahaa inay dooddaasi ka qeyb galaan waxaase dooda kala qeyb qaatay xildhibaankaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News