Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa ka hadlayay qaabka uu kusoo xulan doono ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya,kadib markii shalay codka kalsoonida ay weysay xukuumadii C/welli.
Madaxweyne Xasan Sheikh, ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha cusub uusan noqon doonin mid ka tirsan koox gaar ah, xisbi gaar ah iyo dad gaar ah, sida uu hadalka u dhigay wuxuuna sheegay inuu ka imaan doono bulshada Soomaaliyeed.
Xasan Sheikh, ayaa sidoo kale sheegay in xukuumada cusub aysan noqon doonin mid uu isaga leeyahay ama mid ra’iisul wasaaraha kaliya ku koobnaan doonto, isagoo sheegay inay ka muuqan doonaan xildhibaanada kala taageerayay isaga iyo ra’iisul wasaaraha.
“Latashi wanaagsan ayaan sameyn doonaa, xukuumada ma noqon doonto mid xisbi gaar ahaaneed ah, mid koox gaar ah leedahay, ee waxay noqon doontaa mid dadka dhan kasoo muuqan doona”ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

