28.6 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xog: GUULEED oo rajo cusub yeeshay iyo HABAR-GIDIR oo diidan qorshihiisa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar Caasimada Online ay ka heshay ilo-wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Wasiirkii hore ee Wasaarada Amniga DF Somalia C/kariin Guuleed uu mar kale damac soo galay, islamarkaana uu iminka wado dadaallo xooggan.

Sida ay xogtan leedahay, Guuleed ayaa waxa uu xusul duub adag ugu jiraa sidii uu ku qaban lahaa wasaarada arrimaha gudaha, ka gadaal markii ay soo baxday fursad cusub oo ka dhalatay kalsoonida ay baarlamanka ka weysay xukuumadda iminka jirta.

Ilo-wareedyo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan uu C/kariin Guuleed u ballan qaaday hadii la rido xukuumada C/Weli uu u dhiibi doono Wasaarad,balse Guuleed uu doonayo wasaaradda arrimaha gudaha.

Xeel dheerayaasha ayaa rumeysan inay adkaan doonto in Guuleed uu helo wasaaradda arrimaha gudaha, maadaama Cabdullahi Goodax Barre oo iminka ah wasiirka arrimaha gudaha ay si aad ah isugu dhow yihiin madaxweynaha.

Si katsaba, siyaasiyiinta Beesha Habar-Gidir ayaa iyaguna kasoo horjeedo in C/kariin Guuleed dib loogu soo daro xukuumada Cusub, taasi oo caqabad ku noqon karta rajooyinka Guuleed..

Siyaasiyiinta Habar-Gidir waxa ay Madaxweyne Xasan u gudbiyeen fariin ah inuusan magacaabi karin shaqsi aan ka socon dhankooda, islamarkaana ogolaansho ka heysan Beesha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News