Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararka ku heleyno waxaa Habeenimadii xalay uu kulan albaabada u xiran yahay ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Somalia ee Muqdisho.
Kulanka ayaa ahaa mid u dhexeeyay Madaxweyne Xasan iyo Siyaasiyiinta, Saraakiisha ka tirsan Dam-jadiid kaasi oo ay uga wada tashanayeen Helida Ra’isulwasaare iyaga u munaasab ah.
Sidoo kale, wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Xassan Sheekh uu Siyaasiyiinta iyo Saraakiisha hordhigay Liis ay ku qornaayen inkabadan 8-Mas’uuliyiin oo u taagan qabashada Xilka Ra’isulwasaarenimo, iyagoona mid mid uga dhiibtay fakirkooda ku aadan magacaabista Ra’isulwasaaraha Cusub iyo shaqsiga uu noqon karo.
Warar hoose ayaa waxa ay sheegayan in Siyaasiyiinta qaar ay kasoo horjeesten shaqsiyaad ku jiray Liiska oo ay ku sheegen inay yihiin kuwa aan marnaba buuxin karin shuruudaha, halka qaarna ay Madaxweynaha ku booriyeen in isaga uu la imaado mas’uul u qalma.
Dhanka kale, kulanka oo u badnaa gorfeyn, ayaa waxa ay Dam-jadiid ku kala tageen Natiijo la’aan inkastoo ay warar hoose sheegayaan in mar kale ay isugu soo laaban doonaan kulanka ka hor inta aysan dhicin magacaabida.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

