Muqdisho (Caasimada Online)- Kadib markii maalintii shalay Caasimada Online ay baahisay muuqaal laga duubay wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, oo uu ku sheegay in Somaliland ay hoos tagto DF, ayaa arintaasi waxaa ka hadlay madaxweynaha maamulkaasi.
Axmed Maxamed Siilaanyo, madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in arinta uu ka dhawaajiyay wasiir Warancadde aysan aheyn mid dhab ah, islamarkaana aysan wanaagsaneyn in lagu qaldo shacabka ku dhaqan Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

