Muqdisho (Caasimada Online) – Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, Sii Haayaha Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, ayaa wuxuu duhurnimadii maanta uu ka dhoofay Garoonka Duulimaadyada ee Magaalada Muqdisho, iyadoo la rumeeysan yahay inuu kala jeedo jees jees uu ku jibinayay amarkii Xeer ilaaliyaha Qaranka ku amray Wasiiradda Xukumadda ineysan ka dhoofi karin dalka inta ay xil wareejinta ka sameeynayaan.
Xafiisyada Xeer Ilaalinta iyo Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka, ayaa waxay xalay awaamiir ka soo saareen inaanay dalka ka bixi karin bilaa amar, Golihii Wasiirada ee Xukuumadii C/weli Sheekh Axmed Maxamed, oo Sabtidii weyday kalsoonida Baarlamaanka.
Xeer Ilaalinta iyo Hanti Dhowrka Guud, ayaa waxay Nabad Suggida iyo Boolisku ay weydiisteen inaysan dalka ka bixin Wasiirada, ilaa iyo inta ay xilalka ka wareejinayaan.
Hadaba Hay’adda Nabad Suggida oo ka hawlgasha Garoonka Aadan Cadde, ayaa waxay ku fashilmatay inay is hortaag ku sameyso Wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta ee Soomaaliya.
Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo kalsooni badan qaba, ayaa la soo sheegayaa in uu ka dhoofay Garoonka Aadan Cadde, isagoona galabta gaaray Magaalada Dubai ee Wadanka Emirate-ka Carabta.
Tallaabada uu Dhuxulow dalka kaga baxay, ayaa waxay wado u fureysaa Wasiirada Xukuumadii shalay dhacday, xilli dareen laga muujinaayo inay la goystaan hantida uu Qaranka lee yahay.
Dhanka kale Dhuxulow, ayaa waxaa la tilmaamaa in xiriir dhow uu la lee yahay Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somaliya General C/laahi Maxamuud Gaafow, iyadoo ayna isu heyb yihiin.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

