Waxaa dalka Soomaaliya uu ku jiraa in ka badan 23 sano dagaalo wajiyo badan leh, kuwaasi oo galaaftay nabadii dadka Soomaaliyeed ay muddo kusoo caano maali jireen, waxaana ay taasi dadka dhaxalsiisay inay kasoo talaabaan xadka Soomaaliya ilaa ay qaaradaha oo dhan socod ku gaareen.
Sidoo kalana kuwii aan dalka ka bixi karin ayaa waxaa ay marti u noqdeen dagaalo joogta ah iyo ammaan xumo ilaa hadda wax laga qaban la’yahay, taasi oo xitaa sabab looga dhigo abaaraha soo noqnoqda ee dalka ka jira, maxaa yeelay meel aan nabad ka jirin cidina ma ka sameyn karto nolol sal adeg leh.
Haddaba hay’adda Nabadoon Yaxye Foundation oo loogu magacdaray halyeygii weynaa allaha u naxariistee Abdiqaadir Yahye oo isaga oo raadinaya nabada Soomaaliya ku waayey naftiisa ayaa waxaa ay iminka dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed u direysaa FARRIIN NABADEED ku wajahan in wada jir wax looga qabto NABAD LA’AANTA.
Waxaana muuqaalka yar ee hoose ku arki doontaan shaqsiyaad caan ka dhex ah bulshada Soomaaliyeed kuwaasi oo leh Wariyayaal, hal-abuuro, samafalayaal iyo u doodayaasha xuquuqda habeenka ayaa si cod dheer ah shacabka ugu dhiirigelinaya inay dowlada Soomaaliyeed kala shaqeeyaan NABADA.
NABAD LA’AAN WAA NOLOL LA’AAN- NABADAA NAAS-LA-NUUGO LEH.
Hay’adda Nabaddoon Yahye Foundation ayaa ah mid ka shaqeysa wax u qabashada caruurta danyarta ah sidii ay waxbarasho u heli lahaayeen, waxaana ilaa hadda ay gobollada dalka badidooda ku heysaa caruur ay waxbarashada ka dhiibto, sidoo kalana Nabadda ayey had iyo jeer kala shaqeysaa soo celinteeda shacabka Soomaaliyeed.
Muuqaalka hoose dadka ku jira oo nabada ku baaqaya magacyadooda waxaa ay kala yihiin :
1. Ali Yahye
2. Abdiweli Ibrahim Garyare
3. Jawahir Shire Ahmed
4. Abuukar Ali Nuur
5. Sahro Xuseen Muuse
6. Sayid Ali Caseyr
7. Ali Dahir Ciid
WAA KAN MUUQAALKA FARRIINTA NABADEED EE DAAWO :

