28.5 C
Mogadishu
Saturday, April 18, 2026

“Ma wareejinayo xilka, wareegto Xasan uu soo saaray ayaa lagu mamnuucay”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan ay Wasaarada Arrimaha gudaha DF Somalia Maamul Cusub Magaalada Jowhar u magacawday, ayaa waxaa arrintaasi kasoo horjeestay Guddoomiyaha Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha dhexe Maxamed Cismaan Xaaji Caqiil.

Maxamed Cismaan waxa uu sheegay inuusan aqbaleynin in laga qaado xilka Magaalada Jowhar, waxa uuna Tilmaamay in Arrintaasi aysan aheyn mid ka turjumeyso xaqiiqda dhabta ah.

Guddoomiye Caqiil ayaa sheegay in uusan aqbali doonin wareegto kasoo baxday Wasaarada Arrimaha Gudaha oo lagu sheegay in lagu bedelaayo.

Sidoo kale, Maxamed Cismaan wuxuu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu amray inaan xilka laga qaadi karin shaqaalaha dowladda Federaalka Soomaaliya, sidaasi awgeedna uusan xilka ka qaadi karin qofna.

Isaga oo taasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri ”Aniga ma Ogolaan dooni inaan wareejiyo xilka Jowhar, Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Xassan waxaa lagu mamnuucay in shaqaalaha DF xilka laga qaado, lana qoro shaqaale Cusub”

Dhanka kale, waxa uu ka digay in Magaalada Jowhar loo gacan galiyo Reero gaar ah oo looga badan yahay deegaan ahaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News