28.2 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Dhageyso: Sababta Mahad Salaad uu u tagay Galgaduud oo la sheegay (Xog)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Galgaduud(Caasimada Online) – Gudoomiye ku xigeenka gobolka Galgaduud ayaa ka warbixiyay safar shalay Dhuusomareeb ay ku tageen wafdi ka socda dowlada Soomaaliya oo uu hogaaminayay gudoomiyaha gobolka Galgaduud ee dowlada Soomaaliya.

C/xakiin Cabdulaahi Warsame, ayaa sheegay in wafdigaasi uu kamid ahaa wasiir ku xigeenka arimaha dibada Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad iyo abaanduulaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in ujeedada ugu weyn ee ay u tageen gobolkaasi ay tahay sidii loo kormeeri lahaa horumarka ka jira deegaanadaasi, sida uu hadalka u dhigay saraakiishana ay tagi doonaan xerada 21 ee ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale qorshaha maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Galgaduud iyo gobolka Mudug.

Gudoomiye ku xigeenka Galgaduud ayaa sheegay in wafdiga ay deegaanada gobolkaasi ay ku sugnaan doonaan inta ay ka dhameysanayaan qorshaha ay u tageen degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.

Xogta aan helayno ayaa sheegaysa in dhawaan degmadaasi uu ka bilaaban doono tababar la xiriiro maamul wanaagsan iyo sameynta maamul goboleedyada.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News