Dhuuso-mareeb (Caasimada Online)- Ururka Ahlu sunna ayaa siyaabooyin kala duwan kaga hadlay dagaalka maanta ka dhacay degmada Dhuuso-mareeb ee gobolka Galgaduud, iyagoo sheegay in dagaal Dhuusomareeb Ahlu sunna wax lug ku laheyn.
Macalin Cabdi Diiriye Wardheere oo kamid ah masuuliyiinta Ahlu sunna ayaa beeniyay in Ahlu sunna ay qeyb weyn ka aheyd dagaalkii ka dhacay degmadaasi kaasi oo saaka sababay dhaawacyo soo gaaray dad tayid ah iyo ciidamadii dagaalamay.
Wardheere, oo la weydiiyay in ciidamada loo yaqaan Alsufa ay ka tirsan yihiin Ahlu sunna ayaa sheegay in ciidamadaasi aysan dhankooda kamid aheyn ayna ka amar qaataan dad Ahlu sunna ka tirsanaa oo xilalkooda waqtiga ka dhamaaday, sida uu sheegay.
Isagoo la hadlay Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho ayuu sheegay in ciidamada ahlu sunna iyo maamulkooda aysan aheyn Sheikh Al-Ashcari iyo Macalin Maxamuud, sida uu hadalka u dhigay.
Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
[email protected]

