Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online, ayaa heshay xog ku aadan in madaxweyne Xasan Sheikh uu u yeeray Cidda uu u xushay ra’iisul wasaaraha dalka oo noqonayo midkii sedexaad tan iyo inta xilka uu hayo Xasan Sheikh.
Wararka lagu kalsoonaan karo ee aan ka helnay ilo wareedyo ku dhow dhow xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegaya in Cumar C/Rashiid Cali loo yeeray uuna ku sugan yahay dalka Dubai.
Labadii maalin ee lasoo dhaafay madaxweynaha Soomaaliya ayaa waday kulamo kala duwan oo uu la qaadanayay xildhibaanada baarlamaanka, lataliyayaashiida iyo xubno kale, waxaana ugu dambeyn usoo baxday Cumar C/rashiid Cali.
Waxaa la filayaa in maanta uu soo gaaro magaalada Muqdisho si loogu magacaabo ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya oo uu noqonayo markiisii labaad.
Cumar, ayaa noqday ra’iisul wasaare xukuumadii KMG aheyd, wuxuuna markii dambe loo magacaabay safiirka Soomaaliya ee dalka Mareykanka.
Cumar C/Rashiid, ayaa iska casilay xilkaasi markii ay iskhilaafeen dowladii uu madaxweyne ka ahaa Sheikh Shariif Sheikh Axmed.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

