28 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

DAMU-JADIID oo magacaabista Cumar Cabdirashiid ku kala qeybsantay (Xog)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Damu-Jadiid ee haysata hoggaanka dalka Soomaaliya, ayaa ku kala qeybsantay in Cumar Cabdirashiid loo magacaabo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Caasimada Online ayaa ogaatay.

Sida ay Caasimada Online xog ku heshay, xubno ka tirsan kooxdaas ayaa si aad ah uga soo horjeestay, iskuna day inay hor istaagaan qorshaha Xasan Sheekh uu ku magacaabayo Sharmaarke.

Xubnaha diidmada ka muujiyey waxaa ka mid ah Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo xalay waqti badan geliyey in madaxweynaha uu ka dhaadhiciyo inuu ka laabto qorshaha uu ku magacaabayo Cumar Cabdirashiid.

Sida aan warka ku heleyno, Guuleed ayaa Xasan Sheekh u sheegay in sumcaddiisa ay ku lumi doonto magacaabista Cumar Cabdirashiid, maadaama taariikh xun ay diiwaanka ugu jirto, islamarkaana ay diidan yihiin xildhibaanada baarlamanka badankood iyo shacabka Soomaaliyeed.

Si kastaba, Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu ku adkeystay mowqifkiisa, isagaoo Guuleed u sheegay in Sharmaarke uu ogol yahay in dhammaan golaaha wasiirada uu madaxweynaha soo xulo, uusanna heleyn qof kale oo sidaas u sameynaya.

“Xaqiiqdii, Guuleed isaga oo niyad jabsan, oo madaxa hoos u raaricinaya ayuu kasoo tagay madaxweynaha” ayuu yiri qof aad ugu dhow Guuleed oo Caasimada Online la hadlay.

Cumar Cabdirashiid ayaa lafilayaa in maanta loo magacaabo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News