Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliya Ismaaciil Hurre Buubaa, ayaa waxa uu walaac ka qabaa inay wada shaqayn karayaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, haddii aan la dhisin Maxkamada Dastuuriga.
Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka mid ah Siyaasiyiinta ku sugan Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu ku baaqayaa in la dhiso Maxkamada Dastuuriga ee dalka.
“Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ma dhammaan doono, haddii aan la dhisin Maxkamad Dastuuri ah.” Ayuu yiri Ismaaciil Hurre Buubaa.
Sidoo kale waxa uu yiri “Haddii aan la dhisin Maxkamad Dastuuri ah Ra’iisal Wasaaraha cusub wuxuu mari doonaa meeshii ay mareen kuwii kale ee ka horeeyay.”
Buubaa, ayaa xusay inaan laga gudbin doonin is qab qabsiga ragaadiyay Hay’adaha Dowladda, iyadoo aan la helin Maxkamadii Dastuuriga, ee lagu kala saari lahaa Madaxda Dowladda, haddii ay is qab qabtaan.
“Dhibka iyo khilaafka waa taagnaan doonaa, maxaa yeelay wixii lagu kala bixi lahaa waa Maxkamada Dastuuriga, iyadana ma dhisno.” Sidaasi waxaa yiri Buubaa.
Isagoo fariin u diraayo Baarlamaanka waxa uu yiri “Baarlamaanka waa inay ka fekeraan Dhismaha Maxkamada Dastuuriga, waayo qofkii Dastuurka ku xad-gudba Maxkamada ayaa tallaabo ka qaadeyso.”
Buubaa, ayaa hadalkaan ka sheegay wareysi uu siiyay Idaacada Goobjoog ee Magaalada Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

