Ka dib sannado badan oo uu shacabka ka dhex jiray dareen ah in hantida guud ay si weyn u khasaariyaan mas’uuliyiinta iyo hay’adaha dawladda, ayuu hanti-dhowrka guud qaaday tallaaboyin aan hore loo arag si loola dagaalamo musuq-maasuqa dhanka walba ah.
Hanti-dhowrka guud ee Soomaaliya Nuur Jimcaale Faarax ayaa sheegay in xafiiskiisu uu diyaariyay qorshe cusub oo lagula dagaalamayo in danaha gaarka ah loo adeegsado hantida dadweynaha iyada oo aan ka dibna wax la iska weydiin.
“Aniga masuuliyaddeeydu waxa ay tahay la xisaabtanka hay’adaha dawladda, ilaalinta [qandaraasyada] iibka qaranka iyo hubinta hufnaanta si aan hantida guud lagu qaadan hab sharci darro ah. Waxaan ku dhaartay in waajibkaas i saaran aanan meelna uga leexan,” ayuu yidhi Faarax, oo ay magacaabeen golaha wasiirradu February.
Waxa jira saddex qeybood oo dawladda ka mid ah oo ay musuqmaasuqa iyo isdabamarsiintu ku badan yihiin, ayuu yidhi. Kuwani waa sida lagu bixiyo deeqaha waxbarasho, hannaanka shaqaaleeysiinta shaqaalaha dawladda, iyo si xun u adeegsiga hantida dawladda oo ka timid nidaamyada dabagalka iyo maamulka oo tayo xun ama aanba jirin.
Tusaale ahaan, ayuu yidhi, wuxuu xafiiskiisu baadhitaan ku wadaa shakhsiyaad ka soo shaqeeyay maamulladii hore oo soo celin waayay baabuur ay lahaayeen wasaaradihii ay ka soo shaqeeyeen.
“Markii xilka laga qaaday waa ay iskala tageen waxayna ka kireeyeen hay’ado gaar loo leeyahay. Waxa kale oo jira inay horey u qaateen qalabkii xafiisyada ay ku shaqeynayeen markii xilka laga qaaday,” ayuu yidhi, isaga oo ugu baaqay shaqaalihii hore ee dawladda inay soo celiyaan hantidaas ka hor inta aan tallaabo sharci ah laga qaadin.
Shakhsiyaadka khaaska ah ee doonaya inay sida sharci-darrada ah ku iibsadaan dhulka iyo dhismayaasha ay leeyihiin hay’adaha dawladda waa la ciqaabayaa iyagana, ayuu yidhi.
“Waxaa qofkii lacag galiya dhul dawladeed loo sheegayaa in mas’uuliyadda la saari doono oo aan loo soo celin doonin lacagta kaga baxda,” ayuu yidhi Faarax.
“Waxyaabaha horseeda musuq-maasuqa waxa ka mid ah qandaraasyada ay hay’adaha dawladda siiyaan shirkadaha khaaska ah iyaga oo aan marin nidaam tartan,” ayuu yidhi.
Si looga hortago arrimahan dhibaatada keenaya, ayuu hanti-dhawrka guud ugu baaqay baarlamaanka inay ansixiyaan Hindise Sharciyeedka Hanti-dhawrka Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka Iibka. Hindise sharciyeedyada waxa horay u soo ansixiyay golaha wasiirrada.
Wada xisaabtan dheeraad ah wuxuu keeni karaa in la soo xidho mas’uuliyiinta sare ee dawladda ee lagu helo inay si sharci-darro ah uga faa’iidaystaan hantida dadweynaha, ayuu yidhi Faarax, isagoo ugu baaqay xildhibaannada, mas’uuliyiinta dawladda iyo odayaasha inay ka fogaadaan inay si indha la’aan ah u difaacaan saaxiibadood haddii lagu soo qabto eedeeymaha noocaas ah.
Qorshe cusub oo looga hortagayo musuqmaasuqa
Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ayaa sheegay inuu sameeyay qorshe saddex qodob ah oo lagu baddalayo dhaqanka musuqmaasuqa ah ee ka dhex jira hay’adaha dawladda laguna kordhinayo ka-qeyb galinta shacabka si looga hortago lunsiga iyo si xun u adeegsiga hantida guud.
Qorshuhu wuxu ka kooban yahay siminaarro loola jeedo dhallinyarada la filayo inay soo galaan shaqooyinka iyadoo uu hadafku yahay in loo sameeyo anshax shaqo oo wanaagsan iyo fahan dheeraad ah oo ku aaddan doorka dhallinyaradu ku leeyihiin dhisidda hay’ado dawli ah oo xooggan, ayuu Faarax Muqdisho ugu sheegay wariyayaasha usbuucii hore markii uu shaacinayay qorshaha.
Tan labaad, hay’addu waxay shaqaalaha hadda u shaqeeya dawladda u qaban doontaa barnaamijyo tababar ah oo taxane ah oo lagu hubinayo inay fahan asaasi ah ka qabaan waxa uu yahay musuqmaasuqa ama eexda iyo waxa looga hortagi karo, ayuu yidhi.
Qeybta saddexaad waa in kor loo qaado wacyigelinta dadweynaha iyadoo loo adeegsanayo warbaahinta. “Waxaan ka codasaneeynaa saxaafadda […] inay naga caawiso daabacaadda macluumaadka la xidhiidha sida loola dagaallamayo musuqmaasuqa iyo sida ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee caadiga ah gacan uga geysan karaan ilaalinta hantida dadweynaha,” ayuu yidhi.
Dhaqan-gelinta waxa uu soo jeediyay hanti-dhowrka guud waxa ay si weyn gacan uga geeysan kartaa yareeynta musuqmaasuqa guud, ayuu yidhi Garaad Yuusuf, oo ah macallin maaliyadda iyo dhaqaalaha ka dhiga Kulliyadda Dadka Waaweeyn ee Muqdisho, oo ah iskuul darajada saddexaad ah oo loogu talo galay dadka waaweeyn oo waxbarashadoodii hakad u gashay dagaalkii sokeeye iyo burburkii xukuumaddii dhexe.
“Deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah waxa ay mar walba welwel ka qabaan in lacagta soo gasha dawladda aysan ku bixin sidii loogu talo galay, taasna waxa ay keentay in la aamini waayo madaxda dalka,” ayuu Yuusuf yiri. “Tani waa markii ugu horreeysay ee aan maqleeyno hadalka [noocan ah], haddii la dhaqan-geliyana waxa ay is-aaminaad ka dhex dhalinaysaa shacabka Soomaaliyeed iyo dawladaha bixiya deeqda.”
Soomaaliya, oo la darajo ah Kuuriyada Waqooyiga, waxa ay gashay darajadii ugu hooseeysay eeTusmada Musuqmaasuqa caalamka ee Transparency International ee 2014, oo la soo saaray horraantii bishan.
“Taasi waa wax laga xishoodo,” ayuu yidhi Yuusuf.
“Waxaan weeydiisaneeynaa madaxweynaha [inuu dhaqan-geliyo] lixdii tiir ee uu ku shaaciyay ololihiisii doorashada. Waxa ku jiray in wax laga baddalayo nidaamyada maaliyadda waxaanse maqleeynaa in musuqmaasuqu uu wali heerkiisii taagan yahay,” ayuu yidhi.
Waaxda khaaska ah ayaa sidoo kale qeyb ka ah dhibaatada, sababtoo ah waxay milkiileyaasha ganacsiyadu ku laaluushaan wasiirrada iyo madaxda sare ee dawladda lacag iyo baabuur si ay alaabta uga soo dejiyaan Dekedda Muqdisho iyagoo aan bixin canshuur, ayuu yidhi Bashiir Maxamed, oo ka shaqeeynayay dekedda muddo labo sano ah ka hor inta aysan shirkadda Turkiga ah eeAlbayrak la wareegin maamulka dekedda bishii September.
Sameeynta ficil Soomaaliya horay loogu wadayo
Ka dib markii Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed laga qaaday xilkiisii 6-dii December, ayay Faarax iyo Xeer-ilaaliyaha Guud Axmed Cali Daahir soo saareen amar ka mamnuucaya mas’uuliyiinta golaha wasiirrada inay dalka ka baxaan iyadoo la sugayo waxa ka soo baxa baadhitaan lagu wado musuqmaasuq la sheegay inuu jiro.
Axaddii (14-kii December), ayay labadoodu ka soo hor muuqdeen baarlamaanka si ay uga jawaabaan su’aalo laga weydiinayay amarka.
Daahir ayaa sheegay in go’aanka ah in xannibaad safar oo muddo kooban ah lagu soo rogo xubnaha golaha wasiirrada la gaadhay ka dib markii ay soo baxeen warbixinno ah inuu jiro musuqmaasuq, sida ay sheegtay Garowe Online.
“Ka dib markii baadhitaanno lagu sameeyay wasaaradaha dawladda, waxaan ogaannay in lunsiga hantida dadweynaha ay ku badan tahay 19 wasaaradood iyo saddex hay’adood,” ayuu yidhi.
Wuxuu ku celiyay taageerada uu u hayo xannibaadda, isaga oo sheegay inay muhiim tahay in la fuliyo inta ay wasaaraduhu ku sugan yihiin xaaladda kalaguurka ah ka dib casilaaddii Axmed.
“Haddii qof walba oo shaqeeynaya looga yeedho baarlamaanka ama mooshin laga keeno, waddanku horay uma socon karo,” ayay tidhi Safiya Cabdiraxmaan, oo ah ardayd 26-jir ah oo dhigata Jaamacadda Banaadir.
Cabdiraxmaan ayaa ku dhaleeceeysay xildhibaannada u yeedhitaanka labada mas’uul, iyada oo ku sheegtay inay tahay isku day lagu cabsi galinayo oo lagu caajisinayo shaqadooda iyo tan shaqaalaha kale ee dawladda oo isku dayaya inay joojiyaan xatooyada guud.
“Taa baddalkeed, waxay ahayd inuu baarlamaanku u yeedho shakhsiyaadka lagu tuhunsan yahay inay lunsadeen hantida,” ayuu yidhi Cabdixakiim Maxamed, oo ah 30-jir qalabka korontada ku iibiya dukaan ku yaala Waddada Maka al-Mukarrama.
Haddii ay xildhibaannadu sii wadaan inay mooshin baarlamaan ku cabsigeliyaan mas’uuliyiinta la dagaalamaya musuqmaasuqa heerka sare ee dawladda ka jira, waxay keeneeysaa in la waayo cid shaqadaas u qabata shacabka Soomaaliyeed, ayuu yidhi.
Isha: Sabahi Online

