Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan iyo RW CCC Sharmaarke, ayaa ka tashanaya sidii is-beddel loogu sameyn lahaa qaabka awood qaybsiga soo jireenka ahaa ee beelaha Daarod ay wax u qaybsan jireen, marka ay timaado xilalka DF Somalia.
Wararka ayaa sheegaya in Xasan iyo Cumar Cabdirashiid ay isku hayaan in Wasaarada Maaliyada la siiyo beesha Ogaden iyo in la siiyo Beesha Mareexaan, ayada oo midba uu fikir gara ah qabo.
Cumar Cabdirashid ayaa waxaa uu qabaa in wasaarada maaliyada la siiyo beesha Sade, oo iminka weysay xilkii ra’iisul wasaaraha, halka Xasan Sheekh ay la tahay in beesha Ogaaden la siiyo.
Si kastaba Cumar Cabdirashiid ayaa qabaa dood ah in in beesha Kablalax Darood oo Ogaadeen ay ka mid tahay ay heshay ra’iisul wasaare, sidaas darteedna aysan macquul ahayn in ay ku darsato mid ka mid ah wasaaradaha muhiimka ah.
Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa arrinkaasi ka biyo diidan waxaana uu sheegay in wasaaradda maaliyada uu u ballan qaaday beesha Ogaaden, kadib markii uu horey uga baxay ballantii ahayd inuu siinayo ra’iisul wasaare.
Arrintan ayaa labada mas’uul ay weli isku hayaan, waxaana la sheegay inaysan wax heshiis ah weli ka gaarin, ayna la tashanayaan dhinacyo kale.
Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta ugu cad cad ee loo saadalinayo qabashada Wasaarada Maaliyada Somalia waxaa ka mid ah:-
1 – Cabdiqani Sheekh Cali Diini – Mareexaan
2 – Prof. Maxamed Cabdi Gandi – Ogaadeen
3 – Prof. Cabdullahi Yuusuf Cali Nuur – Mareexaan
4 – Xuseen Cabdi Xalane – Ogaadeen
Go’aan ka qaadasha arrinkaan ayaan sahlanayn, waxaana ay noqon doontaa mid saameyn ku reebta xukuumadda R/W Cumar Cabdirashiid.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]