Muqdisho (Caasimada Online) – Sida laga soo xigtay xildhibaano ka tirsan BF Somalia, Xildhibaanada Badbaado Qaran ee qorax dhicii shalay ku kulmay Magaalada Muqdisho, ayaa ansixinta R/W CCC Sharmaarke ku bedeshay dhaqaale xoogan.
Xildhibaan la hadlay Caasimada Online, ayaa sheegay in kulanka Xildhibaanada Badbaado Qaran oo gaaraya 100 Xildhibaan uu abaabulkiisu lahaa Gudoomiyaha BF, Balse uu halkaasi ka dhacay is afgarad u dhexeeyay Madaxweyne Xasan iyo Jawaari oo wakiil ka ahaa Xildhibaanada.
Waxa uu sheegay in tallaabadan aysan ahayn mid ugub ku ah Somalia, wuxuuna Xildhibaanadaasi ku sheegay inay yihiin kuwa iibsaday daacadnimadooda, kadib markii ay dhaqaale adag ku qaaten fulinta wadadii lagu ansixin lahaa R/W Cumar C/rashiid oo hor tagi doono BF.
Waxa uu cadeeyay in sababta aqbalaada Ansixinta R/W CCC ay tahay mid la xiriirta dhaqaalaha la siiyay, isagoona dhanka kale sheegay haddii aan lacagtaasi lasiin laheyn ay is hortaagi lahaayen Xukuumada cusub.
Ma uusan sheegin qiimaha dhabta ah ee Xildhibaanada la siiyay, balse waxa uu tilmaamay in dhaqaalahaasi loo soo marsiiyay Gudoomiyaha BF Maxamed Cusman Jawaari oo xiligaani ka dhex shaqeynaaya Madaxweynaha iyo Xildhibaanada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]