26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Dad sameeyay dhacdo layaab leh oo lagu qabtay magaalada BELEDWEYNE

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka ee magaalada Beledweyne ayaa gacanta ku dhigay dad la sheegay inay qalayeen ayna ka ganacsanayeen hilibka DAMEERKA sida ay sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in afar ruux oo dambigaasi lagu eedeeyay in laga soo qabtay xaafada Kooshin ee magaalada beledweyne ee gobolka Hiiraan, waxaana wararka sheegayaan in la dhigay saldhiga magaalada.

Sidoo kale dadka deegaanka oo arkay labo kamid ah dadka falkaasi lagu soo qabtay ayaa sheegay inuu ku jiray askari ka tirsan ciidamada meletariga, waxaana ay iyaga beeniyeen dambiga lagu eedeeyay.

Mid kamid ah dadkii falkaasi lagu soo qabtay ayaa ku dacwooday in hilibkaasi ay u adeegsan jireen dabashada kaluunka ku jira wabiga Shabeele ee magaalada Beledweynne ee gobolka Hiiraan.

“Mid askari iyo mid kale ayay ahaayeen, magaalada ayaa lagaa soo qabtay, maqaarka iyo hilibka ayaa lagu qabtay, iyagoo wata haddana saldhig ayaa la dhigay dadkaan”.sidaasi waxaa tiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Saraakiisha ciidamada iyo taliska saldhiga magaalada beledweyne ee gobolka Hiiran ayaanan wali ka hadlin dhacdada lagu qabtay afarta ruux.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News