31.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Xog: Tirada golaha wasiirada cusub ee DF SOMALIA oo la kordhinaayo, Imisa?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Onlin) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan iyo R/W CCC ay wadaan qorsho ay ku kordhinayaan tirada Golaha wasiirada ee dhawaan la filaayo in lagu dhawaaqo.

Mudane ka tirsan baarlaamanka Soomaaliya, ayaa sheegay in Ujeedka loo kordhinaayo Xildhibaanada ay tahay in lagu qanciyo Xildhibaano ka tirsan BF Somalia oo uu Madaxweyne Xasan horay uga balanqaaday inay ka dhexmuuqan doonaan Xukuumada cusub.

Waxaa sidoo kale, qorshuhu yahay in beelo badan la qanciyo lana gaarsiiyo xilal wasiiro.

Sidoo kale, Mudanaha ayaa sheegay in Xukuumada cusub ay kasoo dhexmuuqan doonaan Siyaasiyiin kasoo Jeeda beelo aan horay uga dhexmuuqan Xukuumaddii dhacday.

Inkasta oo la shaacin tirada rasmiga ah ee golaha wasiirada cusub, haddana wararka waxa ay sheegayaan in la gaarsiin doono 28 illaa 30 Wasiir.

Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa ka wada hadlaya arrintan, waxaana la filayaa in go’aan kama dambeys ah ay ka qaataan tirada rasmiga ah.

Waxaa qorshaha qeyb ka ah in la kala qaad-qaado Wasaarado badan oo isku dhexjira si loo qanciyo Xildhibaano uu Madaxweynaha Axdi ka qaaday iyo Beelo aan horay xilal loosiin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News