Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in Jaamacada carabta ay hamineyso inay dhaqaale aad u yar ugu deeqdo DF Somalia oo ay xaajadu ka xun tahay.
Tarsan oo Boggiisa Facebook kusoo qoray hadal kooban oo arrintaasi ku saabsan ayaa waxa uu ku sheegay in Somalia aysan xiligaani u baahneyn in lagu maslaxeeyo dhaqaale aan sidaa usii buurneyn, waxa uuna Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh Maxamuud ka dalbaday inuusan aqbalin lacagahaasi aadka u yar.
Isaga oo dhaqaalahaasi ay bixin doonto Jaamacada Carabta ka hadlaaya ayaa waxa uu yiri ”Madaxweynaha Somalia Hassan Sheikh waxaan ka codsanahayaa in uusan ka aqbalin Jamacada Carabta cheque $1,000,000. ma aha wax ay Somalia ka mudantahay in maanta oo aan ognahay burburka soo gaarey qaranka in Hal Milyan ay soo taagaan. Hal Milyan waxaa bixisey South Sudan marka waa cayb in Jamacada Carabtu ay soo taagto waxaas oo kale oo weliba ay Madaxweynaha u soo dhiibto”
Isaga oo intaa kasii ambaqaadayo hadalkiisa ayaa waxa uu yiri ” Ujeedadooda ma waxay qiimaynahayaan hanka Madaxweynaha Somalia, Xassan yuusan hamin lacagtaasi qiimaha yar”
Sidoo kale, waxa uu Tarsan ka digay in Madaxda DF Somalia ay hankooda ku ekeeyan in la eego lacag Dollar oo kaliya, balse ay muhiimadu tahay in la qiimeeyo deeqaha kaafinkara Bulshada.
Dhanka kale, waxa uu Beesha Caalamka ugu baaqay inay il gaar ah ku eegto dalka Somalia oo dhowr sano ehel u ah burbur.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

